Hargeysa (Halbeegnews)– Xukuumadda Siilaanyo markaad kor iyo hoos u eegto ee aad laf iyo dhuux ruugto waxay noqonaysa Xukuumaddii ugu cunsurisanayd uguna sadbursi badnayd ee abid taariikhda Somaliland soo marta, markaad dhinac ka eegtana waxaa kaaga muuqanaya arag darri iyo foolxumo is biirsatay oo dhinac walba ka saamaysay taasi oo foolxumadeedu uu maanku isweydiinayo tallow talladaasi ma mid Madaxweyne Siilaanyo caqligii lagu sheegi jiray ee nus qarniga waayo-aragnimada siyaasadeed sheeganaayey ayuu ka soo muhday, marna aad is odhanayso Madaxweye Siilaanyo cunsuriyadda iyo qabyaaladda sida daruurta u cad ee Xukuumaddiisu u egtahay waxay ka tahay badheedh iyo aargudasho uu u qabo gobolka Awdal oo ah gobolkii Somalilad qaranimadeeda cagaha loogu istaajiyey sannadkii 1993-kii.

Haddaba si aynu u ifafaalayno u sharaxno isla markaana aynu badka usoo dhigno cunsurinimada iyo foolxumadda ka muuqata xukuumadda Siilaanyo ayeynu ku soo qaadan doona qoraalkani dhawr qodob oo si dhab ah u iftiiminaya cunsuriyadda iyo sadbursiga qabiil ee sida tooska ah uga muuqda Xukuumadiisa.
Reer Somaliland Oo Wax Ku Qaybsada Nidaamka Qabaa’ilku Siday Uga Dhex Muuqdaan Xukuumadda Siilaanyo.
Si aynu furo uguna hello daadajinta iyo tusaale u helidda arrintani qaacido waxaynu soo qaadanayna shax dhamaystiran inagoo u kala qaybinayna Somaliland seddex lakab, lakab waa Beesha Dhexe oo loo yaqaano (Beesha Isaaq) lakabka kalana waa Beesha Galbeed xigta oo ah Beelaha (Samaroon iyo Ciise) lakabka seddexna waa Beesha berri xigta oo ah Beesha (Daarood), marka seddexda lakab si kale loo qeexayo labada beelood ee galbeedka iyo beriga waxaa loo yaqaana beelaha darafyada halka beesha Isaaq-na loogu yeedho Beesha Dhexe taasi oo macnaha loola jeeda tahay deegaanka, marka seddexda beelood laga yimaado Somaliland waxaa kale oo dega beelo kale oo qiimo ugu fadhiya nidaamka dawliga ah, haddaba waxaynu eegi doona seddexda beelood sida ay golahiisa wasiiradda ee xukuumadda Siilaanyo u kala helleen waxaana aynu xisaab ahaan ku soo saari doonaa qaabka sad-bursigu u egyahay.
Shaxda Wasiiradda Beelaha Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan
Beesha Dhexe
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Beesha Dhexe
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda Beesha Dhexe
3. Wasiirka Cadaaladda Beesha Dhexe
4. Wasiirka Caafimaadka Beesha Dhexe
5. Wasiirka Macdanta biyaha iyo Tamarta Beesha Dhexe
6. Wasiirka Warfaafinta Beesha Dhexe
7. Wasiirka Waxbarashada Beesha Dhexe
8. Wasiirka Qorshaynta Qarranka Beesha Dhexe
9. Wasiirka Kalluumaysiga Beesha Dhexe
10. Wasiirka Madaxtooyada Beesha Dhexe
11. Wasiirka Duulista Hawada Beesha Dhexe
12 Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beesha Dhexe
13. Wasiirka Maaliyadda Beesha Dhexe
14. Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Beesha Dhexe
15. Taliyaha Ciidanka Qarranka Beesha Dhexe
16. Taliyaha Ciidanka Booliiska Beesha Dhexe
17. Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Beesha Dhexe
18. Taliyaha Ciidamadda Bedda Beesha Dhexe
19. Taliyaha Waaxda Socdaalka Beesha Dhexe
20. Agaasimaha Haayadda Aidska Beesha Dhexe
21. Agaasimaha Haayadda Xuquuqul Insaanka Beesha Dhexe
22. Agaasimaha Haayadda La Dagaalanka Masiibooyinka Beesha Dhexe
23. Agaasimaha Haayadda ilaalinta tayada cuntada Beesha Dhexe
24. Xidhiidhiyaha Xukuumadda Iyo Haayadaha Qaramada Midoobay Beesha Dhexe
25. Agaasimaha Haayadda Budhcad Badeeda Beesha Dhexe
26. Agaasimaha Haayadda Qurbe Jooga Beesha Dhexe
27. Agaasimaha Wakaaladda Kaydka Haamaha Shiidaalka Beesha Dhexe
28. Agaasimaha Haayadda Xafidida Macluumaadka Iyo Tiknoolajiyadda Beesha Dhexe
29. Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Beesha Dhexe
30. Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Beesha Dhexe
31. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Beesha Dhexe
32. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Beesha dhexe
33. 22 La Taliyayayaasha Madaxweyahu leeyahay 17 ayaa Beesha Dhexe ka soo jeeda
Beesha Awdal
1. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Beesha Samaroon
2. Wasiirka Wershadaha Beesha Samaroon
3. Wasiirka Beeraha Beesha Samaroon
4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Beesha Ciise
5. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Beesha Samaroon
Beesha Daarood
1. Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryaynta Beesha Dhulbahante Daarood
2. Wasiirka Gaashandhiga Beesha Ugaas Labe Daarood
3. Wasiirka Ganacsiga Beesha Dhulbahante Daarood
4. Wasiirka Deegaanka Beesha Wersengeli Daarood
5. Wasiirka Dibu Dejinta Beesha Dhulbahante Daarood
6. Agaasimaha Haayadda Waddooyinka (Waa La Baabiyey Haayadaasi) Wuxuu ka soo jeeda Beesha Dhulbahante laakiin waa la tirtiray waxaana la hoos geeyey Madaxtooyada.
7. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha qaybta Maamulka oo keliya Beesha Dhulbahante
Haayadaha Dawladda Iyo Kuwa Dawladdu Saamaynta Ku Leedahay Magacaabistooda
Haayadaha dawladda kuwa ay magacaabistooda ku leedahay Xukuumadda saamaynta iyo kuwa kalaba %95 waxaa gacanta ku haya xubno ka soo jeeda beelaha dhexe, waxyaabaha layaabka mudan waxaa ka mid ah xilka xidhiidhiyaha xukuumadda Somaliland iyo haayadaha qaramada midoobay oo uu hore u ahaa xubin ka soo jeeda beelaha Awdal ayaa xilka laga bedelay waxaana lagu bedelay xubin ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo oo aan weliba qarsanba jirin mabda’iisa Soomaaliynimo.
Taasi waxaa ka sii darran Wasir ku xigeenadda iyo Agaasimayaasha oo %92 ka soo jeeda Beesha dhexe.
Safiiradda Dalalka Dibadda
1. Safiirka Dalka Maraykanka Beesha Dhexe
2. Safiirka Dalka Ingiriiska Beesha Dhexe
3. Safiirka Dalka Ethiopia Beesha Dhexe
4. Safiirka dalka Jibouti Beesha Dhexe
5. Safiirka Dalka Sweden Beesha Dhexe
6. Safiirka Dalka Koonfurta Sudan Beesha Dhexe
7. Safiirka Koonfur Afrika (Waa La Baabiyey)
8. Safiirka Dalka Canada Beesha Samaroon.
Axsaabta Siyaasadda
Dalka waxaa ka jira oo dhawaan la filayaa inay u tartamaan doorashada golaha deegaanka todoba urur siyaasadeed Yaa Doonaya Inay Madaxweyne u noqdaan.
1. Ururka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Beesha Dhexe
2. Ururka UCID Jamaal Cali Xuseen Beesha Dhexe
3. Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Beesha Dhexe
4. Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac Beesha Dhexe
5. Ururka Ummadda Maxamed Cabdi Gaboose Beesha Dhexe
6. Ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan Ismaaciil Yare Beesha Dhexe
7. Ururka Rays Xasan Gafaadhi Beesha Dhexe.
Habayaraate todobada urur siyaasadeed ma jirto urur uu hogaaminayo siyaasi beelaha darafyadu marka macnaheedu waxay tahay xita mustaqbalka danbe beel aan ahayn ta dhexe oo Madaxweyne noqonaysa ma jirto caqligaasi waa mid noocee ah?
Maxaa Maxsuul Ku Soo Baxaya.
Dhul iyo dad ahaan ahaan markaad Somaliland u timaado (Geographically and Demographically ) dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal waa dhulka iyo dadka labaad ee cashuur bixiyayaasha ah marka laga yimaado gobolada ay degaan dadka ka soo jeeda Beelaha dhexe, dhulka ay degaan beelaha Samaroon iyo Ciise waxaa laga Isticmaala shilinka Somaliland markaad Burco Hal Km Berri u dhaaftana waxaa weli laga isticmaala Shilinka Soomaaliya taasi macnaheedu waxay tahay in nidaamka dawladnimo ee Somaliland aanu si rasmi ah u gaadhin marka berri 1 Km Burco la dhaafo.
%40 Cashuurta waddanka soo gasha waxay ka soo xaroota cashuuraha laga qaado shariikadaha gobolka Awdal ha noqdaan ganacsigooda, baabuurtooda, guryahooda, jaamacadahooda, haddana saamigii qarranka waxay ku leeyahiin %5 goboladda Beriga Somaliland cashuuri kama soo gasho markaad berri u dhaafto degmada Ceerigaabo, %90 gobolada beriga Somaliland waxay allaabadooda kala soo degaan dekedda Boosaaso waxaanay cashuurta siiyaan maamul goboleedka Puntland.
Haddii aynu si kale u macnayno allaabta dukaanadda iyo goobaha ganacsiga ee magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Laascanood dhex taalla waxaa laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, halka allaabta dhex taalla magaalooyinka Boorama, Boon, Saylac iyo Dilla laga soo dejiyey magaalada Berbera laguna cashuuray kastamka magaalada Berbera
Su’aasha qof kasta oo caqli lihi isweydiin kara waxay tahay siday ku dhacday in reer Awdal ay saamigii qarranka iyo miisaankii dalka ay ku lahaayeen sidaasi loo qiimo tiro loona ceebeeyo, oo weliba kaga yaxyax iyo qiimo darrane laga siiyo golaha wasiiradda wasaaradahii ugu liitay oo aan xita qaarkood lahayn xarun iyo xafiis midna.
Halka Beesha dhexe ay miisaankii, iyo maamuuskii qarrankaba isku darsatay %95 iskaba daa beesha dhexe beesha uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo ayaa ka xilal iyo wasiiro badan laba jeer beesha Awdal taasi macnaheedu waxay tahay in 90 Jeer ay beesha dhexe ka xilal badantahay labada beelood ee darafyada xiga, kuna darso beelaha beriga fog oo aan maamul ahaan iyo magac ahaanba qaarkood aanay hoos iman Somaliland tusaale ahaan deegaanada Badhan, Dhahar iyo Sanaag Berri waxaa dawladda ay ku leeyahiin laba wasiir oo kala ah Gaashandhiga iyo Deegaanka deegaanadoodiina waxaa ka lulanaya callankii Soomaaliya, Xaglatoosiye oo Wasiir loo cumaamadayna deegaankiisii Buhoodle waxaa gacanta ku haya oo ka luxmaya callankii Soomaaliya waxaana dhawaan looga dabaal degaayey magacaabista Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdon
Doodda Madaxweyne Ku Xigeenka
Madaxweyne Ku xigeenku waa xil aad u awood darran marka la eego dastuurka Somaliland oo kaba sii awood liita wasiiradda ma laha door cayimin oo uu Madaxweyne ku xigeenku u xil saaranyahay marka laga reebo wuxuu dastuurku odhanayo oo ah inuu qabanayo wuxuu Madaxweynahu u igmado oo noqonaysa inuu xafladaha ka qayb gallo ama uu meel la furayo xadhiga ka jaro.
Maxaa Ka Sii Amakaag Badan!!?
Arrinta layaabka leh waxay tahay in Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan magacaabay Saleeban Xaglatoosiye una magacaabay xilka wasiirka dibu dejinta haba loo magacaabe eh layaab malaha eh wasaaradda loo magacaabay ee wasiirka looga dhigay waxaa joogay wasiir ka soo jeeda gobolka Awdal waxaa laga xishooday in xilka laga qaado waxaana loo magacaabay wasaarad cusub oo jeebka lagala soo baxay oo ah wasaaradda wershadaha dad badan oo caqli leh ayaa waxay isweydiinayaan Madaxweyahu haddii ay ka dhabtahay inuu dalka mideeyo oo saamiga iyo sadka qarranka is gaadhsiiyo muxuu u dhimi waayey xilalka xadka dhaafay ee caqliga caafimaadka qaba ka xishoodo ee beelaha dhexe oo %95 dalka haysta, waxaaba layaab sii leh Xaglatoosiye wuxuu wax ka yaqaanay arrimaha tamarta oo uu bartay maxaa loogu magacaabi waayey Wasiirka macdanta iyo biyaha, miyaanayse ka sii fajac badnayn marka Xaglatoosiye oo ka soo jeeda Buhoodle oo callankii Soomaaliya
ka babanayo Somaliland laga necebyahay xilka looga qaaday wasiir ka soo jeeda Dila oo ah udub dhexaadka Somaliland
Cunsurinimada Madaxweyne Siilaanyo
Soomaalidu waxay tidhaahda Nin Weyn tag Lama yidhaahdo eh wuxuu ku taga la tusa, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu hore u diray farriin ah inuu yahay cunsuri siyaasadeed maalintii uu magacaabay golahiisa wasiiradda laba sanno iyo badh ka hor, wuxuuna si cad u muujiyey inaanu weli iloobin xafiiltankii siyaasadeed ee isaga iyo Rayaale dhex maray isagoo u rogtay inuu qaab qabiil u ficiltamo isla markaana iloobay inuu Madaxweyne u yahay Somaliland oo dhan ee aanu Madaxweyne u ahayn in gaa rah, taasi oo uu kaga aargoosanayo reer Awdal wuxuuna sii xoogeeyey Madaxweynahu inuu cunsuri siyaasadeed sii dhaafay oo usii qallin jabiyey inuu yahay qabiili, qarran dhisitaan ka door biday inuu sadbursi ku kala qaybiyo wada jirkii Somaliland.
Faalladu waxay ugu danbayntii leedahay Reer Awdal U Dudi maayaan dagaalka cunsuriyaddu huwantahay ee Siilaanyo iyo dirkiisu ay ku hayaan reer Awdal iyo Somaliland inteeda kale balse Reer Awdal waxay ogyahiin oo ugu dhaaranayaan Madaxweyne Siilaanyo in ay maalmahiisu tirsanyahiin maalin kalana ay reer Somaliland u garaabi doonnaan, waxaanay leeyahiin Madaxweyne Sarajooga ha ku ataxayaadsan dalka Madaxweyne ayaad u tahaye uma kala tihid.
Halbeegnews, Hargeysa