Mudadii dheerayd ee ka dambaysay tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State of Somalia waxanu darasadaynaynay maamulkaasi qotada iyo xikmada ku jirta dadbadeed waxan aqoonsanay dhan walba in ay samaysteen beelo iyagu markaas raba inay aayahooda ka tashadaan oo aanay cidna hoos tegin laakiin taasi waa mid u khaasa beelahaas
Waxa aan jeclahay in aan dareenkayga ku muujiyo shayga qudha ee inaga hadii aynu nahay beelaha Gabooye inaga khuseeya marka ay noqoto maamulka Khaatumo State oo ah maxa uga soo baxay beelaha Gabooye halkaas
Waxa aan si weyn ula dhacnay sida cadaalada ah ama xaqsoorka ah ee ay ula dhaqmeen beelaha Gabooye marka aad eegto shirarkii lagu samaynayey maamulka Khaatumo State beesha Gabooye qayb ayay ka ahayd si aad u weyna way uga qayb galeen iyaga oo goaan qaadashada qayb ka ahaa waxa taas ka sii weynayd in dhismihii maamulka saamigooda ama qaybtoodii ay ka heleen oo weliba aasaasiga ah sida barlamaanka oo ay qayb fiican ka heleen oo ah sadex xubnood
Waxan xasuusinaya beesha Gabooye in Khaatumo State oo beelo Gabooye ay deegaan ku yihiin ay ka heleen karaamo iyo xaqsoor muuqda oo cid waliba arki karto iyaga oon taas oo kale aan ka helin maamulada ka jira somaliland iyo puntland oo ah mid laga xumaado waxa qudha ee laga helay ay tahay quudhsi iyo ihaano sida dadka la hayb sooco dadka laga tiro badan yahay dadka la takooro iyo magacyo tiro badan badan oo xanbaarsan fuulxumo kuwaas oo xanuun badan ku ah beelaha Gabooye isla markaasna xasuusinaya midab kala sooca lagula dhaqmayo dadkaas in kasta oo ay jiraan dad ka mid ah beelaha Gabooye oo iyagu iska leh asbaabaha ay ku yimaadeen cadaalad xumada iyo magacyada sumada looga dhigay
Maamulka Khaatumo State waxay sameeyeen cadaalad bilow ah oo ay kula dhaqmeen beelahan Gabooye waxaanay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo in kasta oo aan arkay dad beelahan Gabooye ka mid ah oo cambaareynaya