Newyork (Halbeegnews)– Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa shallay oo khamiis ah kuna beegan 18/09/2012 abaaro 10:12 daqiiqo waxay iskugu yimaadeen kulan gaar ah oo golaha ammaanku ku darsaayo kuna taageerayo wajiga cusub ee dalka Soomaaliya gallay, iyadoo kulankaasina laga soo saaray qaraar kama danbays ah kaasi oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub iyo weliba nidaamka rigliga ah ee Soomaaliya yeelatay kaasi oo lagaga guuray nidaamkii ku meel gaadhnimada.
Qaraarkani ka soo baxay kulanka golaha ammaanka ayaa wuxuu laf jab iyo dhaawac halis ah ku noqonaya doonistii shacabka Somaliland ay 21-ka sannadood ku baadi-goobayeen aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku siiso, waxaana qodobadda qaraarka golaha ammaanka ka mid ah in aan sinaba gorgortan loo gelin karin midnimada, xuduudaha iyo qaranimada dalkii Soomaaliya ee midoobay sannadkii 1960 1 July.
Qaraarka ayaa golaha waxaa u akhrinaayey xoghayaha guud ee qaramada midoobay Banki-moon
Haddaba Halbeegnews ayaa idiin soo turjuntay qaraarkaasi ka soo baxay isla shallayba kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay yeeshay isagii oo turjuman ayaanu idiin soo gudbinayna ee akhris wacan:
“Golaha Ammaanku wuxuu cod aqlabiyad ah ku meel mariyey qaraarka tirsigiisu yahay (2067) ee ku taariikhaysan sannadka 2012-ka, Soomaaliya waxay qaraarkani u aqoonsatay guul weyn oo ay gaadhay ka dib 21 sannadood oo Soomaaliya dunida ka maqnayd.
Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay wuxuu soo dhawaynaya horumarka ka dhacay dalka Soomaaliya taasi oo horseeday in la xusho Madaxweyne cusub, Golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu saaka ku baaqaya in la soo dhiso dawlad loo dhanyahay oo laga wada dhex muuqdo, si loo qeexo ka dib nidaamkii ku meel-gaadhnimada waxaa ahmiyadda koobaad la siin doona xoojinta ammaanka, dibu dhiska nabadda, dedaalka la dagaalanka budhcad badeeda, dedaalka la dagaalanka musuq-maasuqa, taasi oo lagu gaadhi karo in la sii wado taageeradda caalamiga ah ee beesha caalamku siinayso Soomaaliya.
Ansixinta qaraarkani Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2067 waxaa sidoo kale hoosta lagaga xariiqay xulashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo si loo soo afjaro labaatan sannadood oo dalka Soomaaliya ku jiray dawlad la’aan.
Q0dobadda Qaraarka Golaha Ammaanka Ee Tirsigiisu yahay 2067
1. Golaha ammaanku wuxuu tirtiray dhammaanba qaraaradii hore ee golaha ammaanku ka gaadhay dalka Soomaaliya.
2. Golaha ammaanku wuxuu dib u xaqiijinaya tixgelinta, xaq-dhawrka iyo karaamadda ee xuduudaha, dawladnimada iyo Midnimada Soomaaliya, madax banaanida siyaasadda, waxaanu golahu ku celinaya in la hello degenaansho is faham buuxda laga gaadho oo Soomaaliya oo dhan yeelato.
3. Golaha Ammaanku wuxuu aqoonsaday in degenaanshaha Soomaaliya uu door muhiim ah u yahay degenaanshaha gobolka iyo dunida oo dhan.
4. In la soo dhaweeyo horumarkii balaadhna ee laga gaadhay Soomaaliya 12-kii Bilood ee ugu danbeeyey
5. In la sameeyo guddi maamusha dhaqaalaha Soomaaliya golaha ammaanku wuxuu la qaba fekerka odhanaya waxaa jira welwel arrinta maamulista dhaqaalaha Soomaaliya
6. Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu dib ula noqday isla markaana tirtiray dhammaanba qaraaradani 1950 (2010), 1976 (2011), 2020 (2011) and 2036 (2012), waxaana maanta laga bilaabo loo ogolaaday Soomaaliya in loo dhiso ciidan badeed oo la dagaalama budhcad badeeda iyo in la dhiso ciidankii Soomaaliya.
Qaraarka Golaha Ammaanku Xaaladda Gudaha Soomaaliya
Qaraarku wuxuu dhiiri-gelinaya in dawladda iyo golayaasha dalka loo dhamaystirnaado
In dawladda hadda dhalatay ay dalka gaadhsiiso nidaam doorashooyin toos ah.
In Dastuurka Soomaaliya uu noqdo Mid ay dadka Soomaaliya u codeeyaan si loo ansixiyo.
In la dhiiri geliyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee nabadda ku lidiga ah sida Alshabaab lagana sifeeyo dhulka Soomaaliya
In laga xayiro hantida, socdaalka iyo siyaasadda shakhsiyaadka caadaystay ama ka hor yimaadda horumarka nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya
In la dagaalanka budhcad badeeda la iska kaashado isla markaana Soomaaliya iyo dalalka gobolku ay arrinta ka midho dhaliyan.
In dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ay ka arrimiyaan horumarka laga gaadhay dhinaca nabadda Soomaaliya
In Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dawladda Soomaaliya aanay hub culus iyo mid fudud u isticmaali karin goobaha rayidku degenyahay.
Saamaynta Uu Ku Leeyahay Qaraarkani Somaliland
Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay qaraaradii shirkii London iyo kii Istanbul kaasi oo qodobadiisu dhigayeen in Somaliland iyo Soomaaliya loo wada hadlo, qaraarka ay saaka soo saareen golaha ammaanka ee qaramada midoobayna waa kii ugu halis badna uguna xuma ee 21 sannadood ee Somaliland jirtay la dul keeno.
Somaliland waxaa la soo darsay xaalad siyaasadeed tii ugu adkayd abid 21 sannadood ee ugu danbeeyey waxaana golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo matalaya beesha Caalamku ay meesha ka saareen xaqii iyo xuquuqdii 4 malyuun oo reer Somaliland ah oo 21 kii sannadood ee la soo dhaafay iyadoo aan cidina gacan siin gaadhay horumar iyo xasilooni doonayeyna inay hellaan waxay xaqa u leeyahiin oo ah madax banaani buuxda iyo inay beesha caalamka ka mid noqdaan, Golaha ammaankuna sida qaraarkiisa ka muuqda wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray doonista shacabka Somaliland
Fashilkani Ku Yimid Siyaasadda Somaliland Yaa Dhabarka U Ridanaya
Saaka laga bilaabo waxaa meesha ka baxay in beesha caalamku ka garawdo qaddiyadii madax banaanida Somaliland, arrintani fashilka ah ee Somaliland ku timid ayaa waxaa dhabarka u ridanaya Xukuumadda Siilaanyo oo gebi ahaanba bedeshay qaabkii siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland u socotay.
Xita qaraarkani laguma soo qaadin laguma sheegin qodob ka mid ah wada-hadal ay yeelanayaan Somaliland iyo Soomaaliya, dabcana qaraarkani wuxuu ka xoog weynyahay qodobadii shirarkii London iyo Istanbul kuwaasi oo ahaa bayaano balse aan ahayn qaraar rasmi ah oo beesha caalamku sida kani ay isku waafaqday.
Somaliland waxaa la soo darsay xaaladdii ugu adkayd ee dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda 21 sannadood ee ay jirtay waxaana hor yaalla marxaladani cusub sidii looga bixi lahaa ee la iskaga kaashan lahaa.
Waxaa ayaan darro tii ugu balaadhnayd ah iyadoo qaranimadii dalka Somaliland maanta golaha ammaanku daadafeeyey ayaa haddana shacabkii ku dhaqna gudaha Somaliland lagu jahawareeriyey doorashooyin iyo ururo madhalays ah oo kala qaybiyey siyaasaddii iyo midnimadii Somaliland.
Maxaa Somaliland La Gudboon
Xukuumad, Baarlamaan, iyo shacab waxaa u yaalla in qaraarkani qaramada midoobay kulan deg deg ah laga gallo isla markaana laga soo saaro bayaan rasmi ah oo ka turjumaya masiirka umadnimo ee Somaliland haddii doorkaasi ay xukuumadda Siilaanyo qaadan waydana waxaa hubaal ah inay raali ka tahay in Somaliland qaranimadeeda daaqadda laga saaro.
Jaaliyadaha Somaliland iyo shacabka gudaha ku dhaqan waxaa la gudboon inay qaraarkani golaha ammaanka kala horyimaadaan banaanbaxyo salmi ah oo ay ka dhigaan dhammaanba dalalka ay degenyahiin laguna muujinayo in qaranimada iyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland tahay wax shacabku goostay ee aan looga arrimin karin Newyork.
Halbeegnews, Newyork