|
|
Muqdisho (Halbeegnews)– Agaasimahii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Jaamac Axmed Maxamuud (Oday) oo badhtamahii bishii June iska casilay xilkii Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland isla markaana maalmo is casilaadiisa ka soo ambabaxay magaalada Hargeysa kana soo degay magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqday mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo xilkaasina loo dhaariyey.
![]() Jaamac Oday oo markii uu yimid Muqdisho ay fajac iyo farakanax ku noqotay dad badan oo reer Somaliland ah ayaa maanta markii la dhaariyey ka dib wuxuu u waramay Idaacada Radio Muqdisho wuxuuna u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ku biiristiisani golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Jaamac Oday oo ka jawaabaayey su’aal ahayd waxaa ku dhaliyey inuu iska casilo xilkii wasaaradda maaliyadda ee uu Somaliland bilo ka hor ka hayey isla markaana yimaado Muqdisho wuxuu yidhi “arrintaasi waxay ahayd mid ka dhalatay gogol xaadh iyo isku qancin aniga iyo xukuumaddii aan ka tirsana aanu isla garanay, Soomaaliya waa mid wixii kala kaxeeyeyna waxay ahayd caadifad marka si aanu uga shaqayno in caadifadda meesha laga saaro ayaan anigu isku qanciyey in maanta la joogo xilligii aanu dhisi lahayn Soomaaliya oo mid ah” ayuu yidhi Jaamac Oday
Jaamac Oday oo la weydiiyey bal inay isla ogaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadii uu ka tirsana inuu Muqdisho yimaado oo golaha baarlamaanka ku biiro wuxuu yidhi “kollay cidina iskama timaado, Odayga (Madaxweyne Siilaanyo) waanu ogayn imikana waanu is ognahay, isagaana si fiican isoo ambabaxiyey, in sharaftii iyo midnimadii Soomaaliyeed la soo celiyana waa mid halkan iyo halkaaba ka jirta oo la isla ogyahay, marka ambabaxaygu ma ahayn mid qarsoon ka horna wuxuu ku yimid sidaan ku sheegay tallo” ayuu yidhi Jaamac Oday.
Hadalka Jaamac Oday Agaasimahii hore ee wasaaradda maaliyadda oo xilka iska casilay maantana ku biiray baarlamaanka Soomaaliya ka soo baxay ayaa sida daruurta wuxuu caddaynaya siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa oo ay ku doonayaan in qaranimadii Somaliland la laalabo isla markaana waxay caddaynaysa in xubno uu Jaamac Oday ka mid yahay oo Hargeysa ka soo ambabaxay uu Madaxweyne Siilaanyo ka danbeeyey kuna qanciyey inay Xamar tagaan.
Halbeegnews, Muqdisho | |||