Qiso xanuun badan

45 views
Skip to first unread message

Saciid Cabdulaahi

unread,
Jul 15, 2012, 8:23:29 AM7/15/12
to gab...@googlegroups.com, gabooye yahoo
Toogta Ninka Gabooye (Qiso Fool-Xun Oo Askar U Dhalatay Isaaqland Ay Kula Kaceen Marxuum Burco Lagu Shiish Bartay)PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Sunday, 15 July 2012 11:06

 

Xaalad ay ka caroodeen Beesha laga tirada badan-yahay ee Gabooye  ayaa ka taagan Somaliland,kadib markii ay si gardaro ah u toogteen  marxuun la odhan jiray Maxmed Xasan Cawil oo ahaa Beesha Gabooyaha isagoo Xoolo  u soo  arooriyay Degmada Qoryaale ee Gobolka Togdheer,waana Marxuumkii 7-aad ee sanadkan gudihiisa laga dilo Beesha Gabooye,iyadoo xitaa loo diiday in la siiyo wax mag-ah,waxaana dad badan ay ka naxsan-yihiin Cunsuriyadnimadda Isaaqa halka ay gaarsiisan-tahay.
Marxuumka la dilay ayaa looga shakiyay inuu ka dambeeyay fal Habeenimadii ka horaysay Maalinta la dilay lagu Gubay Guri uu leeyahay Maayirka Degmada Qoryaala, waxaana dilka Ninkaasi  Fuliyay Sadex Askari oo ka tirsan Booliska Degmadaasi  oo isku dayay inay soo qabtaan, hase ahaatee Xabad ku dhuftay iyadoo aan falkaasi loo tuhunsanyahay aan lagu cadayn.
markii dilkaasi dhacay ayaa askartii dilka gaysatay aan wax xadhig ah lagu samayn marka laga reebo dhawr casho oo lagu soo xareeyay saldhiga dhexe ee magaalada Burco halkaas oo aanay ku xidhnayn ee ay shaqadooda ka wateen,waxaanay askartani hada ku sugantahay magaalada Qoryaale halkaas oo ay shaqadoodii ka wataan,taaasina waxay sababtay inay walaac iyo qaylo dhaan ka muujiyaan eheladii uu ka soo jeeday ninkaasi Geeriyooday iyo dadwaynaha reer Burcoba.
Maxmuud Cawil oo ah Marxuunka Adeerkii  oo ayaa isagoo ay  murugo ka muuqato Shacabkamediauga  Waramay arintaasi  waxaanu  yidhi “Mag nalama Siin nimankii askarta ahaana waxay ay iska wataan shaqadoodii waliba inama uu marxuunku adeer u yahay ayaa afar casho la xidhay,waxaan leeyahay marka wax la kala qaato ee mag lagu heshiiyo ayaa wax dhamaadaan taasi waa khalad in nimankii ay shaqdii  ay iska wataan”.
Geesta kale Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Togdheer Mr-Saleebaan Ducaale Ubaxle oo Wariyaha Shacabkamedia ee Gobolka Togdheer arintaasi wax ka waydiiyay ayaa isaguna ku Jawaabay “Arintaas waxaa aan u gudbiyay oo aad wax ka waydiinaysaan taliska ciidanka Boolisdka iyo badhasaabka Gobolka”.
Wariyuhu waxa kale oo uu sheegay inuu la xidhiidhay  Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Aayir si uu arintaasi wax uga waydiiyo, hase ahaatee uu Taleefoonka ka qaban waayay.
Si kasta ha ahaatee arintan caynkan ayaa u muuqata mid Cadaalad daro ah oo aan loo dulqaadan Karin, waxaanay Quudhsi ku noqonaysaa qayb ka mid ah Bulshada Reer Somaliland loo awood sheeganayo, waxaanay u baahantahay in si dhakhso ah wax looga qabto, talaabana laga qaado askarta Bilayska ah ee falkaasi ku kacay iyo Maamulka degmada oo qayb ka noqon kara Dilkaasi, maadaama loo dilay marxuumka Gurigiisa Gubtay.

Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages