Qisooyin Pdf

0 views
Skip to first unread message

Yufei Labbe

unread,
Aug 4, 2024, 4:24:09 PM8/4/24
to chacocsure
waxkasta oo wanaagsan oo aad Ilaahy dartii u samysaa ilaahay waa aqbalayaa xitaa hadii halkii aad ugu tala gashay aanu gaadhin. Qisada maanta ee qisooyin uu nabigu (CSW) ka sheekeeyay waxa aan ku soo qaadanaynaa sheeko ka hadlaysa arinkaas. Fadlan halkan ka daawo hadaad awoodana sii fidi.

Akhriso qiso cajiib ah oo gaaban misana leh xikmad la yaab leh, qisadaan ayaa kamid ah qisooyinka dhabta ah ee had iyo jeer la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Marka aad akhrisato qiso cajiib ah durbaba waxaa laga yaaba in ay qalbigaada ku soo dhacdo qisooyin kale.


Film-ka Mine iyo Dhallinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin? Aan kula wadaagno qiso cajiib ah oo gaaban, taasoo laga yaabo in ay adiuguba saameyn kugu yeelato. Qisadani ayaa ah qiso cajiib ah oo qoraal ah misana u baahan in wax badan laga barto. Dhanka kale qormadaan qormadii ka horeysay waxaan ku soo qaadayn mid kamid qisooyinka dhabta ah qasatan kuwooda cajiibka ah, si aad u akhrisato qisooyinkaas riix halkaan:


Qiso cajiib ah: Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka.


Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado.


Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey fariimo xusuus ah isagoo qoyskiisii la jooga, isagoo waalidkiis la sheekeysanaya.


Mike waxaa uu markii uu naf ka quustay isku qanciyey inuu qaato taladii ninkii reer Baadiyaha ahaa oo ahayd inuu miinada ka boodo, waxkastaba ha dheceen. Markii uu ka kacayba miinadii, waxaa uu filayey ugu yaraan inay lug ka goosan doonto, maba qarxin, waxaa uu Mike bilaabay inuu qodo wuxuu ku taagnaa, mise waa daasad boombale ku dhex jiro oo miinaba kuma taagnayn.


Haddii aan usoo noqdo xagga ay Mike sheekadiisa iyo dhalinyarada aqoonyahanka isaga egyihiin, waxaa lagu celceliyaa in deegaanka ay joogaan dhallinyaro tiro ahaan gaaraysa +68%. Waxaa in badan oo kamid ah ay ku hubaysan yihiin aqoon kala duwan, aqoontaas ayaa waxaa ay ubadantahay arrimaha deegaanku sida aadka ugu baahanyahay, waxaa sanadwalba kasoo baxa jaamacadaha dalka kumannaan arday ah oo soo bartay maamulka, shareecada, caafimaadka, ganacsiga, technology-yadda, iyo qeybo kale oo badan.


Suuqyada deegaanka, xafiisyada dowladda, masaajidda, xarumaha caafimaadka iyo dhammaan goobaha shaqooyinka haddii aad booqatid waxaa jooga un dadkii joogi jiray waligood. Hadaba xaggee bay aadeen kumannaankaas aqoonyahan? Maxaa ay uga muuqan waayeen goobaha shaqooyinka & deegaankaba? Maxaase hortaagan in ay la yimaadaan afkaar horumar ah oo waaweyn?


Deegaanka waxaa kajira xir-xirnaan badan oo ka timid wacyiga bulshada oo aad u hooseeya, ganacsiyo badan deegaanka kama ay jiraan, haddii aad suuqa martid waxyaabaha laga ganacsado kama badna tobaneeyo waax-ganacsi oo badankooda ah aasaasiyaadka ganacsiga.


Sidoo kale waxaa jira in shaqooyin badan oo muhiim ah ay ku bahdilanyihiin deegaanka oo qofka ka shaqeeya aysan bulshadu tixgalin siin, waxaana ay ubadanyihiin shaqooyinka farsamada, wax soosaarka gacanta, beerashada, dhismaha, qurxinta, makaanigga, sawiraadda, fanka & madadaalada.

3a8082e126
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages