Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Su,aal Diini ah

33 views
Skip to first unread message

Mustafa Abdullahi Jama

unread,
Apr 16, 1997, 3:00:00 AM4/16/97
to

In article <33550...@QMWCC3.qmw.ac.uk>,


Abdinasir,

According to the translations of Malik's Muwatta, freeing of slaves
should be enough to release him from such a vow :-)very strange, isn't it?

In general, Omar Ibn Al-Khattab narrates the prophet, bpuh, saying;

"An oath or vow to disobey the Lord, or to break ties of relationship,
or about something over which one has no control is not binding on you"

Also AbuHurayrah narrates the prophet, pbuh, saying;

"He who took an oath and (later on) find something better than that
should do that, and expiate for (breaking) his vow"


Note:

Malik's Muwatta is a collection of two items:

- The sayings and deeds of Prophet Muhammad (pbuh), also known as the
sunnah --the reports of the Prophet's sayings and deeds are called
ahadith.

- The legal opinions and decisions of the Prophet's Companions, their
successors, and some later authorities.

Malik (full name Malik bin Anas bin Malik bin Abu Amir Al-Asbahi) was born
in 93 A.H. and died in 179 A.H. He lived most of his life in Madinah, the city
in which the Prophet (pbuh) settled in. He was a preeminent scholar of Islam,
and is the originator of the Maliki judicial school of thought. He is reputed
to have had over one thousand students. During Malik's lifetime, he steadily
revised his Muwatta, so it reflects over forty years of his learning and
knowledge. It contains a few thousand hadith.

--
=Mustafa= mus...@ichips.intel.com mj...@mipos2.intel.com

a.hersi

unread,
Apr 16, 1997, 3:00:00 AM4/16/97
to

Asalaamu Calaykum Waraxma Tulaah

Akhayaarta halkaan wax ku qorta waxaan rabaa inaan waydiiyo Su,aal diini
ah oo ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo inaga mida inuu ogaado.

Su,aashaydu waxa waaye(weeye) sidan hoos kuqoran

Hadii Nin uu Shukaan sado Gabar(Gabadh,Inan) si uu uguursado, hadii ay
is ogolaadaan inay isguursadaan laakiin ay gabadhu ay kuxirto Shardi,
Shardigaas oo ah in uuna Laguursan waligeed naag kale, hadii uu ka
ogolaadu shardigaa ayna isguursadaan, Mabanaan tahay inuu Balankii uu
Kabaxo oo uu naag kale guursado Mise Mabanaana?.

Fadlan Qof kii uban baxa kajawaabida Su,aashan waxaan kacodsanayaa inuu
Daliil iiga keeno Kitaabka Alaah Ama Sunada Nabiga SCW Ama Aqwaalu
Salaf.

Waad mahadsan tihiin Dhamaantiin Akhayaarta Halkan wax kuqortaay.
Jawaabtana waxaan kasugaayaa Kuligiin sidaad udhan tihiin.

Asalaamu Calaykum Waraxma.

Qore:-C/Naasir Maxzamed Jaamac
(Shirwac)

QMW Collage University Of London

Abdirashiid

unread,
Apr 17, 1997, 3:00:00 AM4/17/97
to

Wa calykuma Salaam ww.

Waxay ila tahay waa su'aal fiican oo cilmi korodhsi
noqon karaysa, gaar ahaan markaad daliil(proof)
weydiisey qofkii doonaya inuu su'aashaa ka jawaabo.

Waxaa iyana hubaal ah in A'imada (prominent schoolars)
SALAFU AL-SAALIX arrintan si kala duwan u arkaan
mid kastaana arigtidiisa ku salynaayo daliil, markaa
madhabkeebaad maskaxda ku haysaa in jawaabta
la gu dhiso ama lagu qotomiyo?

BTW CIID MUUBAARAK DHAMAANTIINBA

Abdirashiid

Omar Khadhib

unread,
Apr 20, 1997, 3:00:00 AM4/20/97
to

Akh Cabdinaasir;

Ballanta islaamka waxaa weeye arrin culus oo ku xiran ballantii Alle
sida Alleba u yiri, " oofiya ballante Eebbe haddaad ballantantaan".
Marka gaalada la caayay waxyaabihii lagu caayay waxaa ka mid ahaa ballan
ka baxa.

Iyada oo culimada qabi karaan ra'yiyo kala duwan marka su'aashada loo
yimaado; haddana aniga waxaa u iilanayaa culimadii tiri ma bannaana in
ballaantaasi la jebiyo waayo:

1) ninkaasi cid eryaysay ma jirin markii uu guursanayay; wuxuuna awoodi
karay inuu yiraahdo diiday.

1) Nabigu wuxu yiri, "Muslimiinta waxaa ka dhaxeeya ballantooda, ballan
xaraan xalaal ka dhigaysa ama xalaal xaraan ka dhigaysa mooyee.

Shardigan ah inuusan naag kale la guursan isaga ayaa aqbalay oo isku
laasimay. Waa inuu ka soo baxaa. Haddii uu ka baxo oggolaansho
la'aanteeda culimada badan ayaa qabta inay xaq u leedahay inay codsato
inuu furo maadaama uu shardigii hore jebiyay. Sidaana caddaaladdii biyo
dhaceeda noqonayo.

Waxaa ii muuqata in dadka qaarkii isaga dhex darsantay shardi iyo
nadarka. Shardiga waa ka duwan yahay nadarka.

Alla ha na haleelishiiyo fahamka xaqa ah iyo barashada diinta islaamka.

Abuu Xafsa

J.J.Jama

unread,
Apr 21, 1997, 3:00:00 AM4/21/97
to

From: "a.hersi" <TL5...@QMWCC3.qmw.ac.uk>

>Asalaamu Calaykum Waraxma Tulaah
>Akhayaarta halkaan wax ku qorta waxaan rabaa inaan waydiiyo Su,aal diini
>ah oo ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo inaga mida inuu ogaado.

>Su,aashaydu waxa waaye(weeye) sidan hoos kuqoran
>Hadii Nin uu Shukaan sado Gabar(Gabadh,Inan) si uu uguursado, hadii ay
>is ogolaadaan inay isguursadaan laakiin ay gabadhu ay kuxirto Shardi,
>Shardigaas oo ah in uuna Laguursan waligeed naag kale, hadii uu ka
>ogolaadu shardigaa ayna isguursadaan, Mabanaan tahay inuu Balankii uu
>Kabaxo oo uu naag kale guursado Mise Mabanaana?.

>Fadlan Qof kii uban baxa kajawaabida Su,aashan waxaan kacodsanayaa inuu
>Daliil iiga keeno Kitaabka Alaah Ama Sunada Nabiga SCW Ama Aqwaalu
>Salaf.

Walaal Abdinasir:
Naag walba inta aan la nikaaxin ama la meherin waxa xaq u leedahay
in shuruud ku xirto meherkaas , taa oo haddii ninka wax meher sanaya
ogolaado ,isaga oo aan lagu qasbin , in haddii uu fulin waayo ama jabiyo
nikaaxaas buruburayo ama nagtaasi ka furmayso, ma ahaa sida ragga
Somaliyeed isugu sheekeeyaan Naag been ayaa lagu soo xero geliyaa
runna waa lagu dhaqaa , Sharciga Islaamka Naag Run ayaa lagu soo
xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa, Shuruudaha ay naagta sheegan
karto waxaa ka mid ah,
1- In guurkaas ay bur-burin karto ama ay is-fasakhi karto markii ay doonto
taa oo micnahhedu yahay in furiinkeeda gacanteedana ku jiro.

2- midda ah in uu naag kale la guursan, haddi ninka ballantaa jebiyo
waxa keliya oo ay samayn kartaa waa ayada oo iska furta, Waxse kama
bedeli karto guurka labaad, sida xadiithka soo socda ku cad , oo uu
bukhaari weriyay , waalidka waa uu u diidi karaa ninka gabadhiiba
qaba in uu naag kale la guursado, ama uu gabdhiisa furo mid
ahaan, Nabiaga NNK kuma oran Cali Naag kale ma guursan kartid
oo waxa uu ku yiri, fur gabadhayda haddii aad mid kale la guursanayso.

Narrated Al-Miswar bin Makhrama:
I heard Allah's Apostle who was on the pulpit, saying, ``Banu Hisham
bin Al-Mughira have requested me to allow them to marry their
daughter to Ali bin Abu Talib, but I don't give permission, and will
not give permission unless 'Ali bin Abi Talib divorces my daughter in
order to marry their daughter, because Fatima is a part of my body, and
I hate what she hates to see, and what hurts her, hurts me.''

Waxa ay ila tahay Macnaha Xadiithku aad u cad yahay oo uu u baahnayn
sii fasiraad kale.

Guud ahaan sharciga Islaamka Naagna laguma qasbi karo in ay la noolaato
ama qabo nin aysan xiiso u qabin ;sida ku cad qisada Quraanka Alle
noogu sheegay ee Saynab iyo Zaid.

Waa Allaahu Aaclam
J.J.Jama


Mustafe Jama

unread,
Apr 24, 1997, 3:00:00 AM4/24/97
to

Saaxiib J.J.Jama marka hore waa lagu salaamay:


"J.J.Jama" wrote:
>Walaal Abdinasir:
>Naag walba inta aan la nikaaxin ama la meherin waxa xaq u leedahay
>in shuruud ku xirto meherkaas , taa oo haddii ninka wax meher sanaya
>ogolaado ,isaga oo aan lagu qasbin , in haddii uu fulin waayo ama jabiyo
>nikaaxaas buruburayo ama nagtaasi ka furmayso,

Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,
ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal.

>ma ahaa sida ragga Somaliyeed isugu sheekeeyaan Naag been ayaa lagu soo >xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa , Sharciga Islaamka Na=


ag Run ayaa >lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa,

Maahmaahda, aaraarta waad fahantay laakiin waxaad moodaa in aanad
ujeedada fahmin. Halkan wax loo jeedaa, dumarku waa maxbuub, waa qalbi
xabxab, markaa hadii aad ku tidhaahdo walaal waxba mahayo bar'laawe am
aydh muduga ayaan ahay, in aan ku guursadona waan rabaa, waxay kuugu
jawaabaysaa, dee walaal laba qaawani isma qaadi karaane, hadaanad waxba
haynin xageed i geeyn. Hadab, marka ay caynkaas ku tidhaahdo maxaad ugu
jawaabi J.J.Jama ? waxay illa tahay, waa in aad farsamo la timaado oo
xeelad samaysaa, hadaanad odhan, meel kasta walaal dahab baan kaa
lulayaa, kor iyo kal illaa lugaa, oodaba lagaa rogi maayo. Waxanse
filayaa sidaa hawsha yar umaad hadasheen, waadse laagantahay. Hadaad
fahanto yeelkaa.


>Shuruudaha ay naagta sheegan karto waxaa ka mid ah,

>1- In guurkaas ay bur-burin karto ama ay is-fasakhi karto markii ay >doonto taa oo micnahhedu yahay in furiinkeeda gacanteedana ku=
jiro.

War heedhe, bal awrta jooji, diinta waa wadda naqaanaaye, xagee lagu
arkay gabadh iyadu is furi karta ? Xadiiska iyo Aayada quraanka aha ee
odhanaysa gabadhu iyadaa is "fasikhi" karta ama is furi karta ma noo
haysaa ? bal noo sheeg ?


Nabad-gelyo
.......
M.Jama


J.J JAMA

unread,
Apr 26, 1997, 3:00:00 AM4/26/97
to

From: Mustafe Jama <MSJ...@student.monash.edu.au>

Saaxiib J.J.Jama marka hore waa lagu salaamay:
"J.J.Jama" wrote:
>Naag walba inta aan la nikaaxin ama la meherin waxa xaq u leedahay
>in shuruud ku xirto meherkaas , taa oo haddii ninka wax meher
>sanaya ogolaado ,isaga oo aan lagu qasbin , in haddii uu fulin waayo
>ama jabiyo nikaaxaas buruburayo ama nagtaasi ka furmayso,

Mustafe Jama wuxuu yiri:-

< Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,
ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal.>

Walaal Mustafe Salaanta lagaa Qaad,
Anigu ma bilaabin taxanahan, iyo Isticmaalka erayga Naag,
Abdi-naasir oo Su=92aasha keenay aayaa eerayga noo horseeday
Qof walba oo daba galayna eraygaa waa adeegsaday, waxaa aniga
hortay eraygaa taxanahan ku isticmaalay Abdirashid, Ka dibna
Cumar Khadiib, Anigana ereyada doodu ku socotay ayaan daba
gelay, ee maxaan dhimay?, inta aad aniga erayga adeegsigiisa
igu canbaaraynaysid , sow gardaro iyo faduul kuguma aha in aad
dadkaa oo dhan iga dhex soocdid, mise waxaa istiri kanaa ugu
Somali liito ee iska harowso..!!,
Suugaanta Somaliga iyo maahmaahyadeeda wax badan ayaa laga
helayaa adeegsiga erayga Naag,
(=85.Naagahaa dhankii loo rogo dhinacna diideyne=85.)
Guba - Cali Dhuux
(.. ..Abaanow Cayaayirka iga daa Carabi Waa Naage=85.)
Sayid Mohammed Abdulle Hassan


(=85=85=85 Naag la furay fadhi uma yaal.
Naag abaal ha u gelin amaahse ha uu diidin.
Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
Naag kun baa koodisa iyo kow,kow baana guursada.
Naag Naag lala qabo waa u cal.
Naagaha casarkeed seexato iyo ciirteed dhantaa(bogato) u
liidata(daran)
Naag iyo Nin Isqaba Colna ma aha Nabadna ma aha.
Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa.
Naagi ninkay legado kama kacdo.
Naagi ninkii adkaaday raacdaa.
Naago ama u samir, ama ka samir.
Naago ba=92ooda ayey ka sheekeeyaan raguna badhaadhahood
Naago fool waa illaawaan.
Naago geel ka baxsaday nabastooday ka dayaan.
Naago hoosiis bay hadh moodaan.
Naago iyo riyoba diiftay isku eryoodaan( lo=92 iyo naagaba diiftay
isku..)
Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha.
Naagi kula tol maaha.
Naago nimaan madaxooda majo u rogin nin ma moodaan.
Naago nin ay yaqaaniin, col(nin) ma moodaan.
Naago waa arki jiraye doon, ragna waa intii kuu timi qaad
Naago wax laga bixiyo laguma dhaqee wax loo hayaa lagu dhaqaa.
Naago yaryaraysi ma le(naago yaraan ma le).
Naagtii caana xun dhigtay iyana ku murud la=92.
Naagi waa ninkii qaba=85..)
Maahmaayo Somali

Marka haddi aad si fiican ugu kuurgasho adeegsia erayga ,waxaa
arkaysaa in lagu isticmaalo meelo aan dumarka xushmad iyo
qadarrin loo hayn oo lagu liidayo, middaan waa dhaqanka aan
ku soo kornay maxaan ka qaban karnaa?Anigu J.J wax kama
qabo in la cirib-tiro oo la joojiyo adeegisa Erayga Naag Golohan
oo qofkii yiraahdaba lagu canbaareeyo. Waxaanse jeclaan lahaa
in aan ogaado in gabdhaheena iyo dumarkeenu dhib sadaan
ereygaa iyo meelaha ku habbon oo lagu isticmaalo, Anigu
marnaba gabar aan toos ula hadlaayo kuma iraahdeen
ama uguma yeerayn. Waxaan isku dayi doonaa hadda ka dib
in aanan adeegsan ereygaa, ama yareeyo, haddii uu jiro Qof
dhibsaday Isticmaalkayga eraygaa ha iga raali ahaado,
gaar ahaan gabdhaha Somaliyeed, ee Halkan akhriya.

J.J.Jama


Abdirashiid

unread,
Apr 27, 1997, 3:00:00 AM4/27/97
to

> "J.J.Jama" wrote:
, waxaa aniga
> hortay eraygaa taxanahan ku isticmaalay Abdirashid, Ka dibna
> Cumar Khadiib,

Wlalaal J.J.Jama, lagu salaan.

Salaan dabadeedna waxaan kuu sixi inaanan anigu
isticmaalin ereyga NAAG. Waxaan weydiiyey kaliya
walaalkeen Abdinasir sida uu jawaabta u doonayo,
markii wax faahfaaahin ah ka bixin waayeyna waan
ka gaabsadey. Waayo waxaan in mas'aladu xagga
fiqhiga ay KHILAAFI tahay, waxaanad iyada oo
balballaadhan laga heli karaa kitaabka" FIQHIL SUNNA"
ee Callamata sh. Sayid Saabiq.

NB wax dhib ah uma qaadanin, waayo? waxaa ii muqata
inaanad u jeedo fool xun aanad ka laheyn, sidaa darteed
wax cudur daar ah kaama muteysanin(no apology is required)

Jama, intaanan ka bixin waxa ku weydiiyey( si kaftan ah)
ma maahmaahyada Haweenka soo ururintooda ayaad
cilmi baadhis ku sameysey mise nin sidaa murtida uga
dibirsan/qanisan ayaad tahay??? KAFTAN

sidaa iyo nabad gelyo
Abdirashiid

Amina Mire

unread,
Apr 27, 1997, 3:00:00 AM4/27/97
to

Mustafe Jama (MSJ...@student.monash.edu.au) wrote:

"Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
: Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
: Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,
: ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal".


Walaal Mustafe,

waxaan fakiray maxaa la siman nin ka soo horjeeda
kelmada nin? meelkasta oon eegay waxaa dhaafi wayay Naag! Waxaan u
malynaa qalfku inuu ka yimid mecnaha ku maldahan naag. Naag iyo nin
waa astaameeyaal (signifers of male and femal sex) (lab iyo dhedig).
Marka laga eego dhaqanka Soomaalida guud ahaan kelmada nin (which
sigifes the male sex) cay looma qaato, laakiin kelmada naag cay ayaa
loo qaataa. Waxay ila tahay sababtaas inay keenta inaan u haysano
naagu ina any tahay qof ka hooseeya gaarad iyo xoogba nin. Marka lab
iyo dhedig waa kal duwan yihiin laakiim ma sina ayay ku salaysan tahay
sababta aan u aragno inay qalfsan tahay in naag logoo yeero naag!

"Maahmaahda, aaraarta waad fahantay laakiin waxaad moodaa in aanad
: ujeedada fahmin. Halkan wax loo jeedaa, dumarku waa maxbuub, waa qalbi
: xabxab, markaa hadii aad ku tidhaahdo walaal waxba mahayo bar'laawe am
: aydh muduga ayaan ahay, in aan ku guursadona waan rabaa, waxay kuugu
: jawaabaysaa, dee walaal laba qaawani isma qaadi karaane, hadaanad waxba
: haynin xageed i geeyn. Hadab, marka ay caynkaas ku tidhaahdo maxaad ugu
: jawaabi J.J.Jama ? waxay illa tahay, waa in aad farsamo la timaado oo
: xeelad samaysaa, hadaanad odhan, meel kasta walaal dahab baan kaa
: lulayaa, kor iyo kal illaa lugaa, oodaba lagaa rogi maayo. Waxanse
: filayaa sidaa hawsha yar umaad hadasheen, waadse laagantahay. Hadaad
: fahanto yeelkaa".

(Mustafe Jama)


Walaal Mustafe, waxaa modaa inaad ii markhaati furtay!

Mustafow ma kula tahay sababta naagaha Soomaaliyeed ay uga carari
jereen nimaka aan wax haysan inany keentay aqoon la'aan iyo cadaalad
la'aanta lagula dhaqmo naagaha Soomaaliyeed. haddaad u haysto in
haweenku ay yahiin "Caruur cagwayn oo beena lagu soo xero geliyo runa
lagu dhaqo" maxaad iga gilgilanysay kelmada naag (for naag is the only
correct word which addresses women as human being who is not a man)?

Salaams

Amina Mire

: >Shuruudaha ay naagta sheegan karto waxaa ka mid ah,

Mustafe Jama

unread,
Apr 29, 1997, 3:00:00 AM4/29/97
to

Fowzia Hassan wrote:
>Salaamad:
>Kolka hore, waxaan diiday the title of the aricle; gabadh, inan ama >naag' (siddii aad doontaanba) been ma lagu soo XERO gelin kara=
a????? >Xeradu tii xoolaha lagu xarayn jiray miyaysan ahayn??????
> Anagaa wax aragnay!

Foosiya marka hore waa lagu salaamay: War nabada lagu sii !
Maahmaahda tidhaahda,
'Dumar "BEENA" waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa',
sidaad ogtahayba wax bixiyey ragii hore, taas wakhtigeedi wuu dhamaaday
waayo, casriga lama talaabsan karayso.
Habad, maahmaahdii oo laga soo shaqeeyey oo shaadh iyo surwaal loo soo
geliyey casrigana la talaabsana karaysaa waatan
'Dumar "CUDUR_DAARNA" waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa'.
Bal hada sidaa ka waran hee ? kobtaas joogsi ii saar.** AAn si wacan uga
jawaabo su'aashaadii.

Foosiyaay maxaad tidhi ?
>Gabadh ama innan been ma'lagu soo XERO gelin karaa ???
Ma wakhtigan xaadirka ah aynu joogno, mise waayo waayo iyo wakhtiyadii
hore. Wakhtiyadii hore, Haa, gabadh been waa lagu soo xero gelin jiray!!
Taasi muran kama joogo,waayo maahmaaduba may soo baxdeen hadaan wax
jirin.

Wakhtigan maanta jooga miyaa, ALLE LACUSKEY, Sheekadu sidii ay ahaan
jirtey way ka duwantahay. Wakhtigu-wakhtigii maaha, dumarku-dumarkii
maaha , ragu-ragii maaha, waxna sidii uu ahaan jirey looguma soo
hagaagayo. Midse ogoow weli meeshii CUDUR_DAARKii yaraa wuu yaalaa!
Weliba isagoo si quruxsan oo xirfadi ku jirto loo dhigay kaas ood
taawato, ashqaraarna indhahaasi ku ooyayaan ayaa si sibiqa oo qaboow
(Camal Jalaato) midab haldhaaley loogu dhiibaa.
Markaa walaal ama Diid ama yeel waxayse daarantahay,maahmaahda
Soomaaliyeed ee tidhaahda, Hide hide ayuu Farasku heensaa u qaadaa"
tulucdaydu waxa weeye waddadii awoowyadayo jeexeen ayaanu haynaa, laakiin
tii oo ka "casrisan".

Arinku si kastaba ha'ahaadee, hadii aad leedahay aniga Foosiya ahaan been
layguma soo xero gelin karo ! waa halkeeda , waan kugu raacsanahy 100%
go'a u tuur kii waxaas oo kale layimaada. Hadaba, bal ka waran CUDUR_DAAR
kii la yimaada ?

>Mustafe, walaal, waa run-taayoo diinta waa la wada yaqaane( waan iska >hadlayaaye intuu Eebe diinta baro uun baa taqaan) haddana, h=
addii aan >wax ku su'aalo, HOW LONG HAVE YOU BEEN IN HIBERNATION?

Bi'waa Foosiyaay, war innantu duur xulweynaa. Waa maxay doqoni
magarataygan ay dhulka ii soo raacsiisey ! ALLE lacuskey, waxba kama qabo
Qajeel oon amba laadi aqaano doqoni magaratayga, markanse waan ku
amaahinayaa. Amaahina yedkaa "xoolahaa" maaha.
Laakiin aan fasiro su'aashii aad i soo weydiisey:
Foosiyi, waxay si duurxula ii tidhi, Mustafe casriga soo raac oo hurdada
ka kac, oo dadkaaga dhinaca ka raac.

KAFTAN KUNNA INOO FURAN.

Nabad-gelyo
......
M.Jama

>Nabaadiino.
>
>Fowzia
>
>
>
>
>In article <5jnibo$1u0$1...@harbinger.cc.monash.edu.au>, Mustafe says...


>>
>>
>>Saaxiib J.J.Jama marka hore waa lagu salaamay:
>>"J.J.Jama" wrote:

>>>Walaal Abdinasir:


>>>Naag walba inta aan la nikaaxin ama la meherin waxa xaq u leedahay
>>>in shuruud ku xirto meherkaas , taa oo haddii ninka wax meher sanaya
>>>ogolaado ,isaga oo aan lagu qasbin , in haddii uu fulin waayo ama jabiyo
>>>nikaaxaas buruburayo ama nagtaasi ka furmayso,
>>

>> Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
>> Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
>> Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,

>>ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal.
>>

>>>ma ahaa sida ragga Somaliyeed isugu sheekeeyaan Naag been ayaa lagu soo >xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa , Sharciga Islaamka =
Na=3D


>>ag Run ayaa >lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa,
>>

>>Maahmaahda, aaraarta waad fahantay laakiin waxaad moodaa in aanad
>>ujeedada fahmin. Halkan wax loo jeedaa, dumarku waa maxbuub, waa qalbi
>>xabxab, markaa hadii aad ku tidhaahdo walaal waxba mahayo bar'laawe am
>>aydh muduga ayaan ahay, in aan ku guursadona waan rabaa, waxay kuugu
>>jawaabaysaa, dee walaal laba qaawani isma qaadi karaane, hadaanad waxba
>>haynin xageed i geeyn. Hadab, marka ay caynkaas ku tidhaahdo maxaad ugu
>>jawaabi J.J.Jama ? waxay illa tahay, waa in aad farsamo la timaado oo
>>xeelad samaysaa, hadaanad odhan, meel kasta walaal dahab baan kaa
>>lulayaa, kor iyo kal illaa lugaa, oodaba lagaa rogi maayo. Waxanse
>>filayaa sidaa hawsha yar umaad hadasheen, waadse laagantahay. Hadaad
>>fahanto yeelkaa.
>>
>>

>>>Shuruudaha ay naagta sheegan karto waxaa ka mid ah,

>>>1- In guurkaas ay bur-burin karto ama ay is-fasakhi karto markii ay >doonto taa oo micnahhedu yahay in furiinkeeda gacanteedana =
ku=3D

J.J.Jama

unread,
Apr 29, 1997, 3:00:00 AM4/29/97
to

From: Abdirashiid<ae...@po-box.mcgill.ca>


Ø "J.J.Jama" wrote:
< waxaa aniga hortay eraygaa taxanahan ku isticmaalay Abdirashid,>

Abdirashid said:
Ø Walaal J.J.Jama, lagu salaan.


<Salaan dabadeedna waxaan kuu sixi inaanan anigu
isticmaalin ereyga NAAG. >

Walaal Abdirashid Lagu Salaan:-
Waa runtaa magacaaga khalad ayaan ugu soo daray, adigu
ma isticmaalin eraygaa,
Abdirashid wuxuu kaloo yiri:-


<NB wax dhib ah uma qaadanin, waayo? waxaa ii muqata
>inaanad u jeedo fool xun aanad ka laheyn, sidaa darteed
>wax cudur daar ah kaama muteysanin(no apology is required)>

Big fat apology is in order here, and take one , sure it was
not intentional , and I am embarrassed by it, silly mistake
I will try to avoid in the future.

>Jama, intaanan ka bixin waxa ku weydiiyey( si kaftan ah)
>ma maahmaahyada Haweenka soo ururintooda ayaad
>cilmi baadhis ku sameysey mise nin sidaa murtida uga
>dibirsan/qanisan ayaad tahay??? KAFTAN
>sidaa iyo nabad gelyo
>Abdirashiid

Abdirashid Aniga murtida waa ka hordagaa , Maahmaayhana
hadda ka hor ayaa lagu soo qoray Godkan, oo aniga iskuma
soo ururin, waxaan u keenay keliya in aan markhaati u helo
in weedhu qallafsan tahay oo lagu Isticmaalo , meel dumar lagu
liidayo keliya, oo si “derogatory” keliya loo isticmaalo, waa arrin
u baahan baarintaan intaa ka badan.
J.J.Jama

> Naag abaal ha u gelin amaahse ha uu diidin.
> Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
> Naag kun baa koodisa iyo kow,kow baana guursada.
> Naag Naag lala qabo waa u cal.
>Naagaha casarkeed seexato iyo ciirteed dhantaa(bogato) u
> liidata(daran)
> Naag iyo Nin Isqaba Colna ma aha Nabadna ma aha.
> Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa.
> Naagi ninkay legado kama kacdo.
> Naagi ninkii adkaaday raacdaa.
> Naago ama u samir, ama ka samir.

> Naago ba’ooda ayey ka sheekeeyaan raguna badhaadhahood


> Naago fool waa illaawaan.
> Naago geel ka baxsaday nabastooday ka dayaan.
> Naago hoosiis bay hadh moodaan.

> Naago iyo riyoba diiftay isku eryoodaan( lo’ iyo naagaba diiftay


> isku..)
> Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha.
> Naagi kula tol maaha.
> Naago nimaan madaxooda majo u rogin nin ma moodaan.
> Naago nin ay yaqaaniin, col(nin) ma moodaan.
> Naago waa arki jiraye doon, ragna waa intii kuu timi qaad
> Naago wax laga bixiyo laguma dhaqee wax loo hayaa lagu dhaqaa.
> Naago yaryaraysi ma le(naago yaraan ma le).

> Naagtii caana xun dhigtay iyana ku murud la’.
> Naagi waa ninkii qaba’..)

Ø Maahmaayo Somali

Amina Mire

unread,
Apr 29, 1997, 3:00:00 AM4/29/97
to

Abdirashid (el...@agreng.lan.mcgill.ca) wrote:
: > am...@chass.utoronto.ca (Amina Mire) writes:
: > Mustafe Jama (MSJ...@student.monash.edu.au) wrote:
:
: > Mustafow ma kula tahay sababta naagaha Soomaaliyeed ay uga carari

: > jereen nimaka aan wax haysan inany keentay aqoon la'aan iyo cadaalad
: > la'aanta lagula dhaqmo naagaha Soomaaliyeed. haddaad u haysto in
: > haweenku ay yahiin "Caruur cagwayn oo beena lagu soo xero geliyo runa
: > lagu dhaqo" maxaad iga gilgilanysay kelmada naag (for naag is the only
: > correct word which addresses women as human being who is not a man)?
: >
: > Salaams
: >
: > Amina Mire


: Walaal Amina Su'aal:

Walaal Abdirashiid,
the word Gabadh or Gabar is like saying a girl. I am sure you know
that you cannot call a grown up woman a girl. As I said in my
previous post the word naag is a technical waord which sigfies women
whether yound or old. The reason why naag ay ugu muuqato cayna waan
ka hadalay. Marka walaal Abdirashiid anguna su'aal ayaan kuu hayaa:
Hadii nin lagu yirhaaado nin uma haysano inay qalaf ama cay ay
tahahy. waxaan jeclaan lahaa inaad ii sheegto sababta ay cay ku
noqotay hadii naag loogu yeero naag?
Salaams
Amina mire

If, as you said, "NAAG is the ONLY CORRECT word


: which addresses women as human being who is not

: a man", then how about GABADH AMA GABAR???

: Waxaan filayaa inaaney arrintu sidaasi aad sheegtey
: ahayne, weedha naag waa erey laga yaabo inuu goballada
: Soomaaliyeed qaarna laga aqbali karo kuwa kalena uu
: af laga roonyahay ka yahay.

: Tusaale ahaan anigu meesha aan ku dhashey ama ku
: barbaarey (without naming it) inta aan ka xasuusto
: ereyga naag waxaa si aad u dhif ah loogu isticmaalaa
: haweeneyda ninka u dhaxdey. Haddii ay gabadhi afkaaga ka
: maqasho adiga oo leh naag, markiiba waxay ku weydiin:
: waar ma adigaa i naageystey???
: Markaa bal erey bixinta dhinacyo kala duwan ha laga
: eego inta aanan la gunaanadin.

: Abdirashiid>
: >


Mustafe Jama

unread,
May 1, 1997, 3:00:00 AM5/1/97
to


>Mustafe Jama (MSJ...@student.monash.edu.au) wrote:
>
> "Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
>: Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
>: Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,
>: ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal".

Amina Mire wrote:
>Walaal Mustafe,
>waxaan fakiray maxaa la siman nin ka soo horjeeda
>kelmada nin? meelkasta oon eegay waxaa dhaafi wayay Naag! Waxaan u
>malynaa qalfku inuu ka yimid mecnaha ku maldahan naag. Naag iyo nin
>waa astaameeyaal (signifers of male and femal sex) (lab iyo dhedig).
>Marka laga eego dhaqanka Soomaalida guud ahaan kelmada nin (which
>sigifes the male sex) cay looma qaato, laakiin kelmada naag cay ayaa
>loo qaataa.

Marwo Amina; Marka hore salaan fiican:
Waxa layidhi, nin hadal si u yidhi ninba si u qaadey::
Filimaayo in erayga "Naag" uu leeyahay macne kale oo u hooseeya kaas oo
aan ahayn ka astaanta u ah ee lagaga tilmaamsado ninka. Hadii laga
tegiwaayo sidaan horeba J.J.Jama ugu sheegay ereyga jareex baa ku yara
jira waa marka loo eego xagga asluubta hadalka Af-soomaaliga.
Waxayse soomaalidu tidhaahdaa, 'Hadal waa mergi oo dhankii loo qaadaba
wuu u kacaa" markaa waxa suurow ah in dad qaarkoow kuwa hadalka
ka kariya kana baayac mushtareeyaa in ay wax kale ka soo dhex
saaraan. Dhidarse xabaalo qodatay qudhun buu uga dhaadhacaaaye, qudhun
ayey uga dhaadhici.
Hadaba AAmina ahaan hadii ay dheragsiimo kuu noqon weydo macnaha erayga
naag looga jeedaa qudha waxa weeye amaarad lagaga sooco ninka oo aad is
leedahay wax jira amuur kale ama macneyaal kale oo ku maldahan ereyga,
sida kuwa aad mildhawday, fadlan eraygaba shay-baadhka gee dabadeed cilmi
baadhis ku samee, waxa suurto gal noqon karta in aad natiijo dhaxal gala
ka gaadhi doontid !!
Maalinta danbena magacaaga ayaad odhan doontaa "maxaa" Aamina layigu
bixiyey ee Maxamed yare la'iigu bixin waayey u jeedo ayaa ku maldahan!!
Alle Lacukeyy

>waxay illa tahay sababtaas inay keenta inaan u haysano naagu inay tahay
>qof ka hooseeya garaad iyo xoogba nin. marka lab iyo dhedig waa kal >duwan yihiin laakiin ma sina ayey ku salaysantahay sabobta aan=
u aragno >inay qalofsantahay in naag loogu yeedho naag.

Durbaan gamtaan ka aqaane :::
Iminka ayaanu ku leenahay Ragga iyo dumarku ma sinna, war cad sow maaha
abaaye, bal dab cad soo hindhis.....HOOY nin kuu digay kumma
dilin, hanoqon dukhsigii biyaa ku dabaal bartay ee fuudka ku gubtay.
Amina, Ragga iyo Dumarku way siman yihiin ,Siyaad Barre oo xabad haysta
ayaanu ka diidney ee ma'adiga oo Angella Davis buugeeda dhawaan soo
akhriyey ayaanu ka yeelaa.!! dee waanu diidney.
Illaahay quraankiisa wuxu ku yidhi magta gabadhu waa ta ninka badhkeed 50
halaad. Ragga ayaa illaahay dumarka masuul uga dhigay quraank ayeyna ku
taal suuratul Nisaa akhri.
Amina walaal, bal intaad wixii kula fikrada soo kaxaysato, maydaanka is
keen....Waloon ku cuudin..


Irdho qaado
Aashaano soco
Aayar hadal kaaga
Asluubti inani lahayd iyo
Edebi waa doore...............By Siciid Suugaan

> "Maahmaahda, aaraarta waad fahantay laakiin waxaad moodaa in aanad
>: ujeedada fahmin. Halkan wax loo jeedaa, dumarku waa maxbuub, waa qalbi
>: xabxab, markaa hadii aad ku tidhaahdo walaal waxba mahayo bar'laawe am
>: aydh muduga ayaan ahay, in aan ku guursadona waan rabaa, waxay kuugu

>: jawaabaysaa, dee walaal laba qaawani isma qaadi karaane, hadaanad >:waxba haynin xageed i geeyn. Hadab, marka ay caynkaas ku tid=
haahdo >:maxaad ugu jawaabi J.J.Jama ? waxay illa tahay, waa in aad farsamo la >:timaado oo xeelad samaysaa, hadaanad odhan, meel =
kasta walaal dahab >:baan kaa lulayaa, kor iyo kal illaa lugaa, oodaba lagaa rogi maayo. >:Waxanse filayaa sidaa hawsha yar umaad ha=


dasheen, waadse laagantahay. >:Hadaad fahanto yeelkaa".
>:(Mustafe Jama)
>
>
>Walaal Mustafe, waxaa modaa inaad ii markhaati furtay!

Walaal ma uur ku baale ayaad tahay oo dadka wax calooshooda ku jira ayaad
ogtahay ? !! Dumarku waa qalbi maxbuub , waxan uga jeeday, dumarku ragga
way ka naxariis badan yihiin. Amina, shaki baa kugu jiree shakiga iska
saar. Hadii kale soo soco siraadeey sidaadoo kale la waaye!

>Mustafow ma kula tahay sababta naagaha Soomaaliyeed ay uga carari
>jereen nimaka aan wax haysan inany keentay aqoon la'aan iyo cadaalad
>la'aanta lagula dhaqmo naagaha Soomaaliyeed.

Waad baahan tahay looma bahalo cuno.
Cadiyadda illaahay baa bixiyee, ruuxa dumara ee ninkeeda kaga cararaysa
faro madhnaan, marka hore ayaan wadda joogoodu wadda joog ahayan, ilma
caashaq digaag ayaan u aqaan...Xagga cadaalada iyo aqoonta, dadku waa
sidda farahaas kugu yaal, ruux walba intii uu garaadkiisu yahay ayuu ku
tamariyaa markaa rag iyo dumarba waxa laga soo helayaa qaar allow-sahal.
Xilo bilaalana wuu jiraa, wax iskuma fashona way jirtaa.

>haddaad u haysto in haweenku ay yahiin "Caruur cagwayn oo beena lagu soo >xero geliyo runa lagu dhaqo" maxaad iga gilgilanysay kelm=


ada naag (for >naag is the only correct word which addresses women as human being who >is not a man)?

Adaa yidhiye anuu maan odhan !! afkayga miyaad ka haysaa ? Haysku deyin
in aad afka ii geliso wax aanan odhan.
Halkan gorayadii baad u heesaysaa .... Xilo wanaagsan Alle ha ku siiyo.


Nabad-gelyo
......
M.Jama


>Salaams
>
>Amina Mire
>
>: >Shuruudaha ay naagta sheegan karto waxaa ka mid ah,

Sir.Ugaas Nur

unread,
May 2, 1997, 3:00:00 AM5/2/97
to

AHLAN WA SAHLAN.dhamaantiin horta waad salaaman tihiin.
runtii waxa beryahanba laysla dhex qaadayey kalmada (naag) oo xero
ciidankan wareerisay hadaba hadii aynu is waydiino kalmadani maxay
tahay ma cayba mise waa caadi?
runtii waxay ila tahay kalmadani waa kalmad qalafsan oo aan ku fiicnayn
in loo isticmaalo haweenka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.waxa
taas kuu cadayn karta in ayna kalmadani ahayn kalmad khayr qabta ka soo
qaad soomaaliya markii la joogay badanaa dhalinyaradu markay is dagaasho
waxay isku caayi jireen (naagyey naagtu dhashay) yacni waxa halkaas kaaga
muuqata in kalmada naagi ayna ahayn kalmadsan oo qof muxtarim ah lagu
yidhaahdo ama logu yedho.
kaba soo qaad markaad leedahay waxa ila socota xaaskaygii iyo markaad
leedahay waxa ila socota naagtaydii,miyaaney kala yara habooneyn.masalan
waxay ka dhigan tahay oo kale adigoo yidhaahda xaaskaygii baa umushay iyo
adigoo yidhaahda xaaskaygii ayaa dhashay,so makala yara fiicna, jirtoo
aynu kalmadan (dhashay) aynu u isticmaalno xoolaha. marka qof ku soo
martiyo ee aad rabto in aad reerkaaga kala bartid waxaynu isticmaalna
sidan. tani waa naagtaydii kuwana waa caruurtaydii, waxaynu magacan u
isticmaalna, as a material or your own property, we never think about
that they are human beings,this is the reality of our desperate
community.at the same time we consider that they are not mentally good
enough or suffering some mental incapacity.
hadaba xaqiiqadu waxay tahay nina maanta ma jecla in hooyadii loogu
yeedho naag ama walaashitoona oo la yidhaahdo away naagtii ku dhashay
waxaan filayaa in dagaal dhici lahaa! markaad si gaara ugu fiirsato
dumarku mar waa ina dhaleen oo waa, our beloved mothers marna waa our
great sisters marna waa our wonderful wives. markaas fadlan halaga dhaafo
in loogu yeedho (NAAG).
qofkasta oo xero ciidankan SCS-KA joogana waxa waajib ku ah in uu afkiisa
ka dhowro kalmadan.

la soco arbacada dambe
honestly
Sir Ugaas Nur.


Abdirashid

unread,
May 2, 1997, 3:00:00 AM5/2/97
to

> am...@chass.utoronto.ca (Amina Mire) writes:
> Abdirashid (el...@agreng.lan.mcgill.ca) wrote:
> : > am...@chass.utoronto.ca (Amina Mire) writes:
> : > Mustafe Jama (MSJ...@student.monash.edu.au) wrote:

. Marka walaal Abdirashiid anguna su'aal ayaan kuu hayaa:
> Hadii nin lagu yirhaaado nin uma haysano inay qalaf ama cay ay
> tahahy. waxaan jeclaan lahaa inaad ii sheegto sababta ay cay ku
> noqotay hadii naag loogu yeero naag?
> Salaams
> Amina mire
>

Walaal Amina waa su'aal adage bal aan isku dayo
haddii ay ka fursan weydey, illeyn anigaa baddaa galaye
oo su'aal ku weydiiyaye.

Anigu inta aan maqli jirey ee dhegahayga ku soo duulduushey
ereyga NAAG wuxuu la xidhiidhaa dhinaca mariage-ka oo
dumarka waxaa la kala odhan jirey "Gabadg iyo Ganbooley"
Ganbadu waa masar ama shey inta badan madow oo gabadgu
marka ay aqal yeelato (guursato) ay xidhato si ninkii guurdoon
ahaa uuna ugu khaldamin meesha. Markaa qofkaa dumarka ihi
waxay NAAG u tahay ninka ay u dhaxdo (guursato).

That is why I avoided to use the word naag.

Laakiin ninka kuma maqal wax magac bixin ah oo kala
soocaaya marka uu guursado iyo inta uu doobka yahay.

Taasi ayaan filayaa iney sabab u noqon kareyso in ereyga
"nin" aanan cey loogu arag, laakiin ereyga "naag" cay
loogu arko haddii lagu isticmaalo dumar oo dhan.

Sister Amina Itaal waa iga intaa hagarna afka ka dhowr.

ahmed_ciid

unread,
May 5, 1997, 3:00:00 AM5/5/97
to

In article <5kge85$g...@drn.zippo.com>, ahmed says...
>
>In article <5kcnjh$cj$1...@towncrier.cc.monash.edu.au>, "Sir.Ugaas says...
>>Wallaal.
>
> Waxaa iga su,aal ah haweenka la qabo oo aan magaceeda la garaneyn si loo sifeeyo
>ma waxaa la oronayaa gabaghaas.heeblaayo,ama naagtaas? haddaba gabdhaha aan weli la guursan miyaa ka cabanaya ereygaas,
>mise xittaa kuwa la qabo wey diidan yihiin.
>
> By Ahmed ciid Yusuf

Amina Mire

unread,
May 7, 1997, 3:00:00 AM5/7/97
to

Dear sister Fowzia Hassan:
this particular brother as many other brothers cannot help personalizing
issues pertaining to women. They simply never bother to look how
things came about or the bases of our social relations. Moreover, the piece
was written in Somalia which I am suppose not to know how to read and
it was supposed be little discussion between men:-)
You and I however read it!
Now the brother is baffled, he does not simply know how to respond to
the questions posed by his and others about Naag!
He is simply a victim of a cultural milieu which failed him misserably!
He never bother to question why the word naag sounds negative while
nin does not!

This rather self-evident reality of women inforior position in our
society never registered in his consciousness.
Moreover, because he does not know how to tackle the issue
philosophically and polemically, he enlists fear, Barre's attempt to
trangress Islam and the Quran by claiming men and women are equal!
Barre of course had purely political motives and did not care about the
empowerment of women at all.
By invoking fear of Barre's regime and the killing of the muslim
ulima, this particular brother sought to silence the issue from moving forward!
Dear sister Fowzia, if you read my last post about the subject,
reclaiming the Naag for the Naag: Part Three, you will realize that I
responded to not just this brother but the rest who are playing with
semantics and who either lack the capacity or are unwilling to say why
saying a man nin is not cay or negative but say naag to a woman is cay!!
As for his tendency to personalize issues, this is what I do with
brothers who attempt to do that: I give then enough robes to hang themsleves!
I guess this particular brother just did that.
I just keep my cool and never personalize the issue. My mode of
argument is dialectical movement and when I see things are not moving
dialectically I just do not bother to contribute to that particular thread.
Take care sister and it is nice to see that you are a follew student
from U of T.

Sincerely,
Amina Mire


Fowzia Hassan wrote:


: Mustafe,

: Faanka, muranka iyo jaafaa-jiraqaba inay yihiin xoolo aan lakala lahayn ma ogtahay?

: When you post things like this, I don't know why anyone should take seriously?????

: >sida kuwa aad mildhawday, fadlan eraygaba shay-baadhka gee dabadeed cilmi

: >baadhis ku samee, waxa suurto gal noqon karta in aad natiijo dhaxal gala
: >ka gaadhi doontid !!

: No need for shaybaadh. Mustafe Jaamac, dhaqankan aad caabudaysoba, inkasta oo aanad
: cidna ka xigin, dhabarka ku qaado. I have seen a post in wich you were telling
: Deeq Diiriye( I guess), markii uu runta ka sheegay eraygan "Naag" aad ku cabsiisay
: Oday baad tahay dhaqanka yaqaane siddaa ha u hadlin or something like that. Boowe,
: dadka daa fikradooda ha hadleene. Why do you like to personalize things. Car juug dheh.
: Something like: Hebel ama Heblaayo ruux wanaagsan baad tahaye sidaa ha u hadlin.

: >Maalinta danbena magacaaga ayaad odhan doontaa "maxaa" Aamina layigu

: >bixiyey ee Maxamed yare la'iigu bixin waayey u jeedo ayaa ku maldahan!!
: >Alle Lacukeyy

: Look at you here? So you want it so bad that you silence her. Gotta tell you, I have
: have visited this ng enough times that I have seen: in Gadh-cadaagiinuna uu ka
: loodin waayay Sheekhadan iyada ah. They have tried everthing and she is still there.
: Waa Naag Naag ah. Is it killing you that she has a mind of her own????? Dadku way is
: af-gartaan ama way is af-garanwaayaan. Laakiin dariiqooda ayay kala maraan.

: >>waxay illa tahay sababtaas inay keenta inaan u haysano naagu inay tahay


: >>qof ka hooseeya garaad iyo xoogba nin. marka lab iyo dhedig waa kal >duwan yihiin laakiin ma sina ayey ku salaysantahay sabobta aan=
: > u aragno >inay qalofsantahay in naag loogu yeedho naag.
: >
: >Durbaan gamtaan ka aqaane :::
: >Iminka ayaanu ku leenahay Ragga iyo dumarku ma sinna, war cad sow maaha
: >abaaye, bal dab cad soo hindhis.....HOOY nin kuu digay kumma
: >dilin, hanoqon dukhsigii biyaa ku dabaal bartay ee fuudka ku gubtay.

: >Amina, Ragga iyo Dumarku way siman yihiin ,Siyaad Barre oo xabad haysta
: >ayaanu ka diidney ee ma'adiga oo Angella Davis buugeeda dhawaan soo
: >akhriyey ayaanu ka yeelaa.!! dee waanu diidney.

: You have been in hibernation for a very long time. I do not think that you are
: fit to come out as of yet. Please go back to wherever you were and stay as long
: as you like.

: >Illaahay quraankiisa wuxu ku yidhi magta gabadhu waa ta ninka badhkeed 50

: >halaad. Ragga ayaa illaahay dumarka masuul uga dhigay quraank ayeyna ku
: >taal suuratul Nisaa akhri.

: Quraanka iyo diintana waxba kama taqaanid. There are reasons for everything.
: If you think that this will discourage the sister, you are wrong. She has a mind
: of her own and is very capable of readin the Quran and making her own sense out
: of it. Times are gone were we depended on the interpertations of the Quran from
: men. We can equally read the Quran and the sunnah of the prophet pbuh and practice
: the islam in the most honorable way. We know the enormous rights that we have
: within Islam. We are very COMFORTABLE with Islam. So, Sheeko kale keen.

: Fowzia Hassan

Sir UGAAS NUR

unread,
May 8, 1997, 3:00:00 AM5/8/97
to

ahmed ciid yusuf wrote:

> Waxaa iga su,aal ah haweenka la qabo oo aan magaceeda la >garaneyn si >loo sifeeyo
>ma waxaa la oronayaa gabaghaas.heeblaayo,ama naagtaas? haddaba gabdhaha >aan weli la guursan miyaa ka cabanaya ereygaas,
>mise xittaa kuwa la qabo wey diidan yihiin.


Marka hore waa lagu salaamay,
runtii hadaan isku dayo in aan kaaga jawaabo su'aashaad isoo waydiisay
waxay ila tahay marba hadii gabadha la guursado oo meeshii ubad yimaado
in aan loogu odhan karin naag,maxaa yeelay waa ay ka gudubtay heerkii
gabadh ahaaned oo waxay noqotay hooyo.
hadii aanad magaceeda garaneyn waxa kaaga haboon adoo yidhaahda xaaska
hebel.
waxay ila tahay maadama gabadha aan weli la guursan oo weli ay tahay
gabadh ugub, waxaan badanaa anigu shakhsiyan isticmaala hebel walaashi
ama ina hebel anigoo markaas ku magacaabaya Aabeheed, sida ina xuseen.
sidaas ayey aniga akhwaan ila tahay. (( God knows the best))

la soco arbacda dabme
honestly
Sir Ugaas Nur.

Mustafe Jama

unread,
May 9, 1997, 3:00:00 AM5/9/97
to

Alla waa Foosiya oo amaahdii ii sida !! calaf alloow cajab, walaal maxaad
sheegtay ? Dadka kale waa qaar aad u maqal xun waayo intay wax kaa
amaahdaan ayey kuu jarayaan laakiin adigu mid aad u maqal wanaagsan baad
tahay, taloow tana ma ku amaahiyaa ? Taas marada haw qolayn !

Fowziya Hassan wrote:
>Mustafe,
>Faanka, muranka iyo jaafaa-jiraqaba inay yihiin xoolo aan lakala lahayn >ma ogtahay?

Maxaan walaal adiga kaaga faanaa GEBI baad ka lulataa !!
Mar hadaad dhaqankaagii hooyo xoortay, af-soomaalina aad sidan ka tahay
bal walaal waa igga su'aale hadaad istidhaahdo faan maxaad ku faani?
Aniguse marhadaan dhaqankaygiina haysto oonan xoorin faanku wuu ii
furanyahay, murtina anoo saakimi waaya mooyaane hiddaan u leeyahay.

>When you post things like this, I don't know why anyone should take >seriously?????

Ruuxii in uun jiidh damqada, dubaaq xishooda iyo diir jixin_jixaa ku
hadhay seriously buu u qaataa weedhahayga."Nin qoyanise biyo iskama
dhawro"

>No need for shaybaadh. Mustafe Jaamac, dhaqankan aad caabudaysoba, >inkasta oo aanad cidna ka xigin, dhabarka ku qaado.

Jirtoo dhaqanka Soomaaliyeed i noo dhex yahay oo cid gaar u sheegan
kartaa aanay jirin hadana, ruuxi doonaya in uu ka digo rogto waa xor
markaa Fosiya waa kuu banaan labada oofood dhaqanka shiinaan hadaad
doonto ku biir, alloowse foolxumo dhaqankii Soomaaliyeed makala carawday.

>I have seen a post in wich you were telling Deeq Diiriye( I guess), >markii uu runta ka sheegay eraygan "Naag" aad ku cabsiisay

>Oday baad tahay dhaqanka yaqaane siddaa ha u hadlin or something like >that. Boowe, dadka daa fikradooda ha hadleene. Why do you li=
ke to >personalize things. Car juug dheh.Something like: Hebel ama Heblaayo >ruux wanaagsan baad tahaye sidaa ha u hadlin.

Horta hay eedaynin oo eed aanan lahayn dusha hayga saarin ma'qaadi karee.
Hadaan wixii meesha ku qoraa figradayda ka dhiibtay talo iyo tusaalaynba
mawax baan dhimay ? mise cid baan qasbay oo ku idhi sidaa iyo sidaa yeel.
Waa maxayse baqaha intan leeg ee kugu jiraa. Is deji walaal oo kalsooni
isku qab.

>>Maalinta danbena magacaaga ayaad odhan doontaa "maxaa" Aamina layigu
>>bixiyey ee Maxamed yare la'iigu bixin waayey u jeedo ayaa ku maldahan!!
>>Alle Lacukeyy

>Look at you here? So you want it so bad that you silence her. Gotta tell >you, I have have visited this ng enough times that I have=


seen: in >Gadh-cadaagiinuna uu ka loodin waayay Sheekhadan iyada ah. They have >tried everthing and she is still there.

Fosiya waxan ku weydiiyey gamaankan Indhaa la'a eed toocinayso xageed ka
soo iibsatay ? waan soo iibsanlahaaye.
Foosiyaay kees baa ku maara! Bal sheekadii halkaad geysay eeg, Amina
joogitaankeeda SCS-ka cidina kama xumma boqolaal hablood oo sharf lihina
meesha way ka buuxaan. Waxa meesha yaal ee laysku haystaa erayga "naag"
ceebaal baa ku jira iyo waxba umma hooseeyaan sheekadu intaa way ka qoto
dheertahay !! meesha dhuumaalaysi baa laciyaarayaa, raad_caascaasis baa
socota, waxna waa la shareerayaa waxana waa la sheegayaa, anna shiraaqa
ayaan ka qaadayaa markaa nikay jiidho geela kaga daran. Adiguse caamo
ayaad tahaye wax uun dhegayso oo dhabaaga iska daa....Hadii kale
dhoonbirkaygu waa ku dulyaal.

>Waa Naag Naag ah. Is it killing you that she has a mind of her own????? >Dadku way is af-gartaan ama way is af-garanwaayaan. Laakii=
n dariiqooda >ayay kala maraan.

Aan ku toosiyeey malaa halkan waad halmaantaye, Waa Nin Nin sawaaban baad
u jeeday...Illeeyn inay Naag tahay shaki taas kumma jiree.

>>>waxay illa tahay sababtaas inay keenta inaan u haysano naagu inay >>>tahay qof ka hooseeya garaad iyo xoogba nin. marka lab iyo d=
hedig waa >>>kal duwan yihiin laakiin ma sina ayey ku salaysantahay sabobta aan=3D


>> u aragno inay qalofsantahay in naag loogu yeedho naag.
>>Durbaan gamtaan ka aqaane :::

>>Iminka ayaanu ku leenahay Ragga iyo dumarku ma sinna, war cad sow >>maaha abaaye, bal dab cad soo hindhis.....HOOY nin kuu digay =


kumma
>>dilin, hanoqon dukhsigii biyaa ku dabaal bartay ee fuudka ku gubtay.
>>Amina, Ragga iyo Dumarku way siman yihiin ,Siyaad Barre oo xabad haysta
>>ayaanu ka diidney ee ma'adiga oo Angella Davis buugeeda dhawaan soo
>>akhriyey ayaanu ka yeelaa.!! dee waanu diidney.

>You have been in hibernation for a very long time. I do not think that >you are fit to come out as of yet. Please go back to wherev=


er you were >and stay as long as you like.

Waxba kama qabo anuu hurdadaydaas ayaan iskaga jirayaaye adiga soojeedka
faraa badani meel ha kuu waddo, hadhoowna markay badda Illabaxnimadu ku
soo tufto albaabka haygu garaacin, oo hurdada hayga toosin. Shaahitu alle
in aan arkay qaar kabna lulaya kabna laalaadsanaya.
Nasiibkaa Foosiyaa....Ilbaxnimadu waa tee !! ma tan sheekadii qowmul luud
la timi...Maqashayo ka dhegola...Belaayooy buul kayga kaa galay.

>>Illaahay quraankiisa wuxu ku yidhi magta gabadhu waa ta ninka badhkeed >>50 halaad. Ragga ayaa illaahay dumarka masuul uga dhigay =


quraank ayeyna >>ku taal suuratul Nisaa akhri.

>Quraanka iyo diintana waxba kama taqaanid. There are reasons for >everything. If you think that this will discourage the sister, yo=


u are >wrong. She has a mind of her own and is very capable of readin the Quran >and making her own sense out of it.

Runtu walaal waa kulayl waxbase dadka ma yeesho, sidaa ma'waxad uga
gubanaysaa ragga iyo dumarku ma sina ? Iminka ayaan ku leeyahay ragga iyo
dumarku masina, wax riisana oo ka hadlaaya isbaba-dhigooda ma jiro,
hadaba maxaad yeeli ? miyaad dilaac ? ...Dub ayaan uga soo hadli doonaa.



>Times are gone were we depended on the interpertations of the Quran from >men.

Laakiin weli quraaku waa kii uun sidaad doonto u turjomo.

>We can equally read the Quran and the sunnah of the prophet pbuh and >practice the islam in the most honorable way. We know the eno=


rmous >rights that we have within Islam. We are very COMFORTABLE with Islam. >So, Sheeko kale keen.

Hadaad wuxuu quraanku yidhi ku kalsoontahay...Muranba meesha mayaalo.
Hadiikale been baad naftaada u sheegaysaa, quraanka haku xabag dhakowsan
ee xeeshaa hadal...Midakale...Ruux kale ha'iigu soo gabanine maanta
dabadeed toos iisoo abaar abaaye.


Nabad-gelyo
..........
M.Jama


>Fowzia Hassan

0 new messages