Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Ma ka Joojinaa adegsiga erayga "Naag" Golahan..!!!???

443 views
Skip to first unread message

J.J JAMA

unread,
Apr 26, 1997, 3:00:00 AM4/26/97
to

From: Mustafe Jama <MSJ...@student.monash.edu.au>
Saaxiib J.J.Jama marka hore waa lagu salaamay:
"J.J.Jama" wrote:
>Naag walba inta aan la nikaaxin ama la meherin waxa xaq u leedahay
>in shuruud ku xirto meherkaas , taa oo haddii ninka wax meher
>sanaya ogolaado ,isaga oo aan lagu qasbin , in haddii uu fulin waayo
>ama jabiyo nikaaxaas buruburayo ama nagtaasi ka furmayso,

Mustafe Jama wuxuu yiri:-

< Fadlan weedhan "naag" eed sida ba'an u isticmaashay inaga reeb.
Waa kelmed yara qalafsan. Gabadha,innanta, kuwaas isticmaal hee.
Inta kale waxba kuguma diidani, lababa waa wixii ay meel dhigataan,
ayuun baa meel u yaal, hanoqoto, shuruud, mood ama maal.>

Walaal Mustafe Salaanta lagaa Qaad,
Anigu ma bilaabin taxanahan, iyo Isticmaalka erayga Naag,
Abdi-naasir oo Su=92aasha keenay aayaa eerayga noo horseeday
Qof walba oo daba galayna eraygaa waa adeegsaday, waxaa aniga
hortay eraygaa taxanahan ku isticmaalay Abdirashid, Ka dibna
Cumar Khadiib, Anigana ereyada doodu ku socotay ayaan daba
gelay, ee maxaan dhimay?, inta aad aniga erayga adeegsigiisa
igu canbaaraynaysid , sow gardaro iyo faduul kuguma aha in aad
dadkaa oo dhan iga dhex soocdid, mise waxaa istiri kanaa ugu
Somali liito ee iska harowso..!!,
Suugaanta Somaliga iyo maahmaahyadeeda wax badan ayaa laga
helayaa adeegsiga erayga Naag,
(=85.Naagahaa dhankii loo rogo dhinacna diideyne=85.)
Guba - Cali Dhuux
(.. ..Abaanow Cayaayirka iga daa Carabi Waa Naage=85.)
Sayid Mohammed Abdulle Hassan


(=85=85=85 Naag la furay fadhi uma yaal.
Naag abaal ha u gelin amaahse ha uu diidin.
Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
Naag kun baa koodisa iyo kow,kow baana guursada.
Naag Naag lala qabo waa u cal.
Naagaha casarkeed seexato iyo ciirteed dhantaa(bogato) u
liidata(daran)
Naag iyo Nin Isqaba Colna ma aha Nabadna ma aha.
Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa.
Naagi ninkay legado kama kacdo.
Naagi ninkii adkaaday raacdaa.
Naago ama u samir, ama ka samir.
Naago ba=92ooda ayey ka sheekeeyaan raguna badhaadhahood
Naago fool waa illaawaan.
Naago geel ka baxsaday nabastooday ka dayaan.
Naago hoosiis bay hadh moodaan.
Naago iyo riyoba diiftay isku eryoodaan( lo=92 iyo naagaba diiftay
isku..)
Naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha.
Naagi kula tol maaha.
Naago nimaan madaxooda majo u rogin nin ma moodaan.
Naago nin ay yaqaaniin, col(nin) ma moodaan.
Naago waa arki jiraye doon, ragna waa intii kuu timi qaad
Naago wax laga bixiyo laguma dhaqee wax loo hayaa lagu dhaqaa.
Naago yaryaraysi ma le(naago yaraan ma le).
Naagtii caana xun dhigtay iyana ku murud la=92.
Naagi waa ninkii qaba=85..)
Maahmaayo Somali

Marka haddi aad si fiican ugu kuurgasho adeegsia erayga ,waxaa
arkaysaa in lagu isticmaalo meelo aan dumarka xushmad iyo
qadarrin loo hayn oo lagu liidayo, middaan waa dhaqanka aan
ku soo kornay maxaan ka qaban karnaa?Anigu J.J wax kama
qabo in la cirib-tiro oo la joojiyo adeegisa Erayga Naag Golohan
oo qofkii yiraahdaba lagu canbaareeyo. Waxaanse jeclaan lahaa
in aan ogaado in gabdhaheena iyo dumarkeenu dhib sadaan
ereygaa iyo meelaha ku habbon oo lagu isticmaalo, Anigu
marnaba gabar aan toos ula hadlaayo kuma iraahdeen
ama uguma yeerayn. Waxaan isku dayi doonaa hadda ka dib
in aanan adeegsan ereygaa, ama yareeyo, haddii uu jiro Qof
dhibsaday Isticmaalkayga eraygaa ha iga raali ahaado,
gaar ahaan gabdhaha Somaliyeed, ee Halkan akhriya.

J.J.Jama


Dek Dirie

unread,
Apr 28, 1997, 3:00:00 AM4/28/97
to

In article <5jssru$r...@news.inforamp.net>,

"J.J JAMA" <ja...@inforamp.net> wrote:
>
> Marka haddi aad si fiican ugu kuurgasho adeegsia erayga ,waxaa
> arkaysaa in lagu isticmaalo meelo aan dumarka xushmad iyo
> qadarrin loo hayn oo lagu liidayo, middaan waa dhaqanka aan
> ku soo kornay maxaan ka qaban karnaa?Anigu J.J wax kama
> qabo in la cirib-tiro oo la joojiyo adeegisa Erayga Naag Golohan
> oo qofkii yiraahdaba lagu canbaareeyo.

Mudan J. J. Jama:

Marka hore waxaad ku mahadsan tahay dersiga qotada dheer ee aad uga
baaraandegtay erayga "naag" iyo sida aynu u sirgacnay macnihii uu asal
ahaan lahaa. Waxaan kugu raacsanahay in dhaqanka aynu ku soo kornay uu
sabab u yahay ceebaalka lagu sheelay erayga. Waayo, kow, waxaynu
caadaysannay in aynu liidno NAAGAHA, calaashaan "Wixii xunba Xaawaa leh".
Labo, waxaynu isdareensiinnay in magacoodu yahay wax laga fiican yahay,
calaashaan sheegsheeggoodaa qadaf ah. Saddex, waxaynu jidaysannay in laga
xishoodo carrabdhowga magacooda, oo aan wax ceeb ah mutaysan.

Waxa abdo ah, sida Mustafe kaaga digay isticmaalka erayga "naag", in aynu
isku guhaadinno haddii lagu isticmaalo goobaha lagu kulmo. Haddii aynu
gurdanraacno cambaarayntaas, miyaynaan jideynayn jiritaanka ceebta?

Su'aal aan togan lahaa ciddii isku dhejisa in isticmaalka eraygu yahay
qadaf baa waxay tahay: Maxay erayada "haween, dumar, iyo bilis IWM" ay ku
nabadgaleen oo ay ku mutaysteen asluubta hadalka, oo faquuqay erayga
"naag" oo uu ku galabsaday haaraanka?

Nabadgelyo,
Deeq Diiriye

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet

J.J.Jama

unread,
Apr 30, 1997, 3:00:00 AM4/30/97
to

From: Dek Dirie <dird...@humberc.on.ca>
In article <5jssru$r...@news.inforamp.net>,

"J.J JAMA" <ja...@inforamp.net> wrote:
> Marka haddi aad si fiican ugu kuurgasho adeegsia erayga
>,waxaa arkaysaa in lagu isticmaalo meelo aan dumarka
>xushmad iyo qadarrin loo hayn oo lagu liidayo, middaan
>waa dhaqanka aan ku soo kornay maxaan ka qaban
>karnaa?Anigu J.J wax kama qabo in la cirib-tiro oo la
>joojiyo adeegisa Erayga Naag Golohan
> oo qofkii yiraahdaba lagu canbaareeyo.
Mudan J. J. Jama:

>Marka hore waxaad ku mahadsan tahay dersiga qotada
>dheer ee aad uga baaraandegtay erayga "naag" iyo sida
>aynu u sirgacnay macnihii uu asal
>ahaan lahaa. Waxaan kugu raacsanahay in dhaqanka aynu
>ku soo kornay uu sabab u yahay ceebaalka lagu sheelay
>erayga. Waayo, kow, waxaynu
>caadaysannay in aynu liidno NAAGAHA, calaashaan
"Wixii xunba Xaawaa leh".
>Labo, waxaynu isdareensiinnay in magacoodu yahay wax
>laga fiican yahay, calaashaan sheegsheeggoodaa qadaf ah.
>Saddex, waxaynu jidaysannay in laga
>xishoodo carrabdhowga magacooda, oo aan wax ceeb ah

>mutaysan.Waxa abdo ah, sida Mustafe kaaga digay

>isticmaalka erayga "naag", in aynu

>isku guhaadinno haddii lagu isticmaalo goobaha lagu klmo.

>Haddii aynu
>gurdanraacno cambaarayntaas, miyaynaan jideynayn
>jiritaanka ceebta?

Deeq Diiriye

Abwaan Dek Diriye: Salaan ka dib:
ma waxaad is tiri , waxaan ahay qof , murti iyo suuraan
yaqaan, waa maxay ereyadan waa weyn aad ii dhiib dhiibtay,
waxa aan u baahanahay eray bixin, Fadlan ii macnee
ereyadan adiga oo mudan hana ila yaabin sida ayaa iga dhab
ah:
sirgacnay
guhaadinno
gurdanraacno

Su’aasha aad keentay oo ah waxa waxa erayga naag loo
adeegsado maka la liidayo dumar oo ay erayada kale sida
Gabar, inan,dumar haween, bilcaan iwm uga nabad galeen,
waa su’aal mesha ku jirta oo qiimo badan, aniga waxa ay
ila tahay erayga “ Naag” waxaa ku beegan erayga “Nin”
wuxuuna macnihiisa ku tusaa Qof dumar ah oo qaan gaar
ah , ayadana taladeedu gacnteeeda ku jirto, ama reerkeeda
ha la joogto ama reer kale ha u dhaxdo. Marka ma laga
yaabaa in marxaladaa Naag ay tahay marka ay dumrku isku
dhereriyaan ragga , muujiyaana in ay isku filan yihiin, oo
wax talo iyo kool koolin ragga uga baahnayn, taa oo
keentay in ragga ka caraysiiso, oo si ay niyadda uga jebiyaan
tusaanna in ayasan marna ragga isku dhererin karin hal
abuuren waxaa maah maayo ah. Maxay idin la tahay? waa
iga malo, aniga horay marna uguma fiirsan eraygaa..
intaa ha iga joorto maanta.
J.J.Jama


Mustafe Jama

unread,
May 1, 1997, 3:00:00 AM5/1/97
to

Dek Dirie <dird...@humberc.on.ca> wrote:
>Mudan J. J. Jama:
>Marka hore waxaad ku mahadsan tahay dersiga qotada dheer ee aad uga
>baaraandegtay erayga "naag" iyo sida aynu u sirgacnay macnihii uu asal
>ahaan lahaa. Waxaan kugu raacsanahay in dhaqanka aynu ku soo kornay uu
>sabab u yahay ceebaalka lagu sheelay erayga. Waayo, kow, waxaynu

>caadaysannay in aynu liidno NAAGAHA, calaashaan "Wixii xunba Xaawaa >leh". Labo, waxaynu isdareensiinnay in magacoodu yahay wax lag=
a fiican >yahay, calaashaan sheegsheeggoodaa qadaf ah. Saddex, waxaynu jidaysannay >in laga xishoodo carrabdhowga magacooda, oo aan =
wax ceeb ah mutaysan.

Deeqoow Marka hore salaan wacan:
Deeqoow, dhaqanka Soomaalidu waa daahiyad, ma duugoobo weligii,waa astaan
ummadi leedahay oo meel u taal, aflagaado iyo eray xun in lagu safeeyo
waa ka xaaraan.
Waxanse layaabay ! amase yaab leh !! Marka aad dhaqankaagii hooyo golle
loo wadda dhan yahay aad sidan foosha xun leh ugu fasilayso cadaan iyo
madow cida garoomo kugu siin doonta ! Waase ciyaar ninba cayn u tumayaa !

Saddexda masalo eed sheegtay midna waxba kama jiraan, anigu shaahidna
ummaan hayn sheekana kuma maqal waxan baas eed sheesheeggayso.
Waxanse sheegay in ay dumarka Soomaalidu yihiin laf dhabarta hidaha iyo
dhaqaka soomaaliyeed.
Waxan sheegay in ay yihiin muunad lagu faano een laga faanin.
Waxan sheegay in ay yihiin muraayada laga "daawado" hidaha iyo dhaqanka
Soomaaliyeed. Sidaa darteed, hadii muraayadaa la xanaaneeyo oo la
dhawrona, dhaqankaasi wuu hagaagaa, hadii la jebiyona dhaqankaasi wuu
jabaa.

Waxa kaloon sheegay, in aad xujoowdey ! ood dhaqankii Soomaaliyeed ku xad
gudubtay, ood raggii Soomaaliyeed XILO BILAAL wadda qortay !
Marhadaad xujoowdeyna in uu xaal gollo joogi kugu sugmay oo hadlku kaa
xidhan yahay adoo soo xil baxa mooyaane, muduci baan oo markhaataan ka
leeyahay, waa ii wax garadka SCSka...
Waxa layidhi, nin weyn oo qadaf sameeyey waa geed qolofi ka dhacday.
Wax kaloon sheegay, in aad dab huraya oo ololaya is tidhi bakhtii
dabdeedna aad baadrool ku bakhtiisay !! Dabkii maad bakhtiin ee waad sii
shiday,dhamacdii iyo kulaylkii ayuu baad isu sii raaciyey.
Maxaad u malaynaysaa bal ruuxa horeba dhaqanka Soomaalida ka sii socdey
marka uu akhristo canbaarayntaada, diintana waa in uu ka baxaa.
Maxaad naga filaysaa marka nin-kaagii dadka hawadin lahaa ee aanu ku
dayan lahayn noo caayo dhaqankii Soomaaliyeed ? sow annana isma sii kaba
raacino.....
Deeqoow Walaal dawo male warkaagu. Kaa hoostay Deeqoow.

>Waxa abdo ah, sida Mustafe kaaga digay isticmaalka erayga "naag", in >aynu isku guhaadinno haddii lagu isticmaalo goobaha lagu kulm=


o. Haddii >aynu gurdanraacno cambaarayntaas, miyaynaan jideynayn jiritaanka ceebta?

>Su'aal aan togan lahaa ciddii isku dhejisa in isticmaalka eraygu yahay
>qadaf baa waxay tahay: Maxay erayada "haween, dumar, iyo bilis IWM" ay >ku nabadgaleen oo ay ku mutaysteen asluubta hadalka, oo faq=


uuqay erayga
>"naag" oo uu ku galabsaday haaraanka?

Si kale hadaan u tilmaao, Way "dhashay" iyo way "umushay".....Labad
weedhood, waa isku macne..Hadana xagga maqalka-dhegaha u kala wanaagsan.
Sidoo kale...."Naahooy".....iyo "Innantaay".....Waa isku macne hadana
xagga maqalka dhegaha u kal fiican.

Ka baxay.


Nabad-gelyo
.....
M.Jama
>Nabadgelyo,
>Deeq Diiriye
>
>-------------------=3D=3D=3D=3D Posted via Deja News =3D=3D=3D=3D-----------------------

Dek Dirie

unread,
May 2, 1997, 3:00:00 AM5/2/97
to

In article <5k7uu9$b...@news.inforamp.net>,
"J.J.Jama" <ja...@inforamp.net> wrote:
> sirgacnay
> guhaadinno
> gurdanraacno
> .... Marka ma laga

> yaabaa in marxaladaa Naag ay tahay marka ay dumrku isku
> dhereriyaan ragga , muujiyaana in ay isku filan yihiin, oo
> wax talo iyo kool koolin ragga uga baahnayn, taa oo
> keentay in ragga ka caraysiiso, oo si ay niyadda uga jebiyaan
> tusaanna in ayasan marna ragga isku dhererin karin hal
> abuuren waxaa maah maayo ah. Maxay idin la tahay? waa
> iga malo, aniga horay marna uguma fiirsan eraygaa..
> intaa ha iga joorto maanta.

Mudane J. J. Jama:

Waa male qurux badan. Haddaan anna male ka hor geeyo waxaan is leeyahay
J. J. wuxuu jawaabtiisa ku saleeyay labo arrimood: 1) In maahmaahyihii
faraha badnaa ee aad soo xustay yoolkoodu uu yahay erayga "naag" balse
aysan toos u abbaarayn Haweenka. 2) In maahmaahyaha iyo suugaanteenna
kaleba ay nabadgelinayaan erayada la macnaha ah NAAG. Hadday taasi jirto,
bal waxaad ila eegtaa sida suugaantan soo socota ay erayada: "dumar",
"haween" iyo "gabar, inan, iyo hablo" u isticmaalayso:

I) Erayga Dumar:

DUMAR waxaan ku bartaa daymo mar ah. Shallaay waa shay DUMAR. Kas DUMARoo
kadaloob rag kaaga dambeeyay, kaad ku ogayd maaha. DUMARka iyo lo'duba
diiftay isku eryadaan. DUMAR waa u samir, ama ka samir. DUMAR waxaa ugu
daran ama tag ama joog. DUMARku waa il madow Ragna bi'iisuu ka
sheekeeyaa, DUMARna baraarahooda Ragna waa shaah, DUMARna waa sheeko
Ragna afkuu ka rimaa, DUMARna ibta Ragna qowl baa xira, DUMARna xarig
Saddex waa dullownimo: Doob noqoo carmali doon, Dab sidoo waxba ha dilin,
DUMAR badan la saaxiib Afar rag ah gar kama hoos baxdo, afar DUMAR ahna
xan.

ii) Erayga Haween:

Calaacal waa camal HAWEEN. HAWEENku waa hilib ceeriina, ragguna waa
bahal. Meeshii HAWEENkiyo caruurtu caydaada ku bartaan, saddex geeddi baa
laga guuraa. Saddex abaal saddex baa leh: Abaal dhakhsada xoolahaa leh;
abaal raagana rag baa leh; abaal baaqdana HAWEEN baa leh. Saddex baa
haween lagu raacaa: hiddo raac, heemaal raac, iyo hunguri raac. Saddex
baa haween lagu doortaa: Dhalan, dhaqan, iyo dhaban. Nin saddex haween ah
hayn jiray baa isla hadlay, wuxuu yiri: Mid Ilaah baa i baday oo waa
hooyaday,midna anaa is baday oo waa afadayda, middaanse yaa i baday waaba
soddohdaye. Saddex midna faa'iido ma leh: Fadhi-yare geel, fucfucle
rageed, iyo fududo HAWEEN.

Geerida HAWEEN
Guud la fidho iyo
Guursi laga qaad ...
Kula-lihi


HAWEENkiyo carruuraha markii, lala hadaaqaayay.
Cabdi Galayax

Haweenkuna hadday doonayaan, inay hidiidaane
Cali Dhuux

Waa taad haween nagu xustaye, haad ma ku cunsiiyay
Salaan Carrabay

Layliga laxaad lihi HAWEEN, waa lug goyn jiraye
Haddii aan nin rag ihi loodinayn, DUMAR ma liicshaane
Cilmi Carab Cabdi

Oo hanaddadoodii la jaray, hiil u geli waayay
Ogoobey HAWEEN iyo carruur, ma hawo dhaamaane
Maxamed Cumar Dage

Guduud looma raaco HAWEEN, gobolba waa cayne
Aw Yusuf Barre

Nimaan hadalkiisu hadh-qoodaarkiyo
HAWEENkaba dhaafin baan ahay
Yuusuf Xaaji Aadan

III) Erayga Gabar:

GABARi waa dhuxul dambas huwan.
GABARi waa gaaguur kuu xiran.
GABAR Godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
Hansi GABDHEED iyo habaar waalid, midna kaama haro.
GABAR GABAR ka yari dhaaftiyo geel yariba uugaan.
Ninkii GABAR kaa guursada, ceebtaaduu asturay.
Ninba GABADHuu gosha la huwaday, gashigeed dhigay.
Guumays reereed ninkii geed ka fura, GABADHiisuu geed ku xiraa.
GABAR lama gaatee, hooyadeed baa la gaataa.
Habar belo, GABAR belay ahaan jirtay.
Reerkii shan HABLOOD u joogto, shan haamood baa ka qurma.
INAN iyo abeeso afkoodu waa ajalaa

GABADHii aan reerayn tegay ee, raalli noqon weysay
Iyo bahalka raarkayga ruday, iima kala roona.
Carroole Maxamed Kali

Gacaltooyo ma leh wiil hadduu, gooyo ehelkiise
Mid xarrago is godayaa jiroo, GABARi dhaantaaye
Cismaan Yusuf Cali <keenadiid>

Waa duni HABLIHII loo ogaa, aqalki diideene
Anse ila ah Aakhiru Seben, idibbilkiisiiye
Faarax Nuur

Luuqdii horee loo dhashaan, soo dhufanayaaye
HABLUHU kay ku dhaantaynayaan, hayga dhowrina e
Hurre Aadan Muuse
>

Mudane J. J. waxaan u malaynayaa in aan isku raacayno in waxa
dhaqankeennu liidayo aysan ahayn erayga "naag" balse kaalinta NAAGTA.
Waxaa markaa nagu soo noqonaysa su'aashii ahayd: Maxaa dumarka qaarkiis
ugu dareemaan qadafka, ragga qaarkiisna godobta?

Hmmm! Bal, Jaamacow, cabbaar baan isku shuqliyaye, aan anna male kale soo
tuuro: Macnayaasha erayga waxaa ka mid ah XAAS ama AFO. Oo waa tan
marmar la yiraahdo "wuu naagaystay" iyada oo loo jeedo "Xaas buu ka
dhigtay". Dhaqankeenna, waxa xitaa dumarka la qabo qaarkood ku adkayd
inay carrabka ku dhuftaan "ninkayga ama saygayga". Waad maqashay baan u
malaynayaa dumar arrintaa ku maldahaya "Carruurtayda aabbahood" ama
"Wadaadka reerka". Waxaan markaa isleeyahay dadka diidaya isticmaalka "N
word"ka waxay dabakhayaan macnaha "naagaysiga" oo markaa leexada Mustafe
sheegay halkaas bay ku godan tahay. Dadkaan Aamino la qaba in aan eraygu
wax ceebaal ah lahayn waxay dabakhayaan macnihii asalka ahaa "naagnimo"

Waxaad aad ugu mahadsantahay in aad jawaabtii ugu horraysay soo tuurtay,
tayduna, haddaadan dhaliilin, taaday ku kacday.

Nabadgelyo Walaal,
Deeq Diiriye

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------

Dek Dirie

unread,
May 2, 1997, 3:00:00 AM5/2/97
to

In article <5k90os$iig$1...@towncrier.cc.monash.edu.au>,
Mustafe Jama <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote:
>
>

Mudane Mustafe: Marka hore salaan. Marka xigta, murti iyo madaddaalo
farabadan baad nagu harqisay. Waxaan isleeyahay odagu barnaamijkii "Ila
Tali Walaal" buu u baddalay "Googoos" ku shaqeeya Raadiyaha Wareega:)
Kaftanka ka sokow, Mustafe, waxyaabo badan oo aad siibkaan ku sheegtay
waan kugu raacsanahay, sida karaamada aad u hayso dhaqankeenna, iyo midda
dhaqanku guud ahaan u hayo haweenka. Inta yar ee aynnu isku
diiddanahayna, Iinsha Allaah, si un baynu isula meel dhigin, gaar ahaan
haddaad u dhabbogasho dhowr meelood oo qodobkaan lagaga hadlay. Waxaana
rajaynin in aad xujada iyo xaalkaba aad "ka noqo" dhihi doontid.

Aad baan ula dhacay hab-qoraalkaaga. Hadda, kuma laaluushayo, ee waa
xaqiiqa:)

Nabadgelyo,
Deeq Diiriye

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------

Abdirahman Osman

unread,
May 4, 1997, 3:00:00 AM5/4/97
to

Dhalinyaro:

Waxaa isoo jiitay maamaah-yada Deeq. Waxaan aad ula yaabay inayan
qaar kamid ahi Canada ka shaqaynayn sida "naag waxaa ugu daran joog ama
bax" Maahmaahdaas ayada ahi Canada kama shaqaynayso ilaa xoogaa la
badalo maahine. Tusaale ahaan.

Soomaaliya: Naag la furay fadhi uma yaal ninkii furayna.....
Naag waxaa ugu daran ama joog ama bax(Thanks to Deeq)

Canada: Nin la furay fadhi uma yaal naagtii furtayna....
Nin waxaa ugu daran joog ama bax (a niche!)

Caddayn: Canada ninka ayaa guriga ka baxa (sharci) haddii la is qabto
inta maxkamad la isla gaarayo. Jabkii u waynaa oo ragga Soomaalida
qabsaday waa iyagoo markay xaaladdu xumaato bustaha banaanka loo dhigo
isla markaana dawladu ku khasabto inay carruurtii oo xataa marmar loo
ogolayn inay arkaan masruufaan. Haddii ay arrintaas kasoo bixi waayaana
waxaa lagu daraa rag aad u badan oo lagu magacaabo dead-beat fathers.
Dowladda ayaa xoog kaaga qaadaysa qayb kamid ah mushaarkaada. Haween
dowladah ku jira ayaa soo jeediyey in nimanka ka leeleexda inay
masruufka bixiyaan baasaboorada iyo laysinka baabuurta laga qaado. Wali
wax hirgalay ma jiraan laakiin dhowkii sanaba mar ayaa dawladdu ka
murantaa. Waxay ku xirantahay dowladda oo ay ku guulaysato urur ballan
qaadaya in dead-beat fathers-ka tilaabo culus laga qaado.

Sheekadu si kastaba ha ahaatee, erayga NAAG waa laga quruxsanyahay.
Waligaa adigoo yar intaad isticmaashay ma lagu oran miyaa naarta ka
naanaalee? Aniga figrad ahaan, wax igula jaban in ereyga la isticmaalo
majrto haba yaraatee. Nin iyo naag waa laba kalimad oo siman, sida cirka
iyo dhulka, bad iyo berri. Sababta erayga xumaysay waa inagoo wax walba
oo xun haweenka dusha ka saarna. Aad iyo aad ayaan dumarkeena u
yasnaa(xumeenaa) taasna waa laga fiicanyahay. Inkastoo adduunka oo dhami
nala midyahay. Anigu waxaan daawaday "documentry" Masaarida laga soo
duubay oo wiil yar oo ilaa iyo 14 sano jira uu hooyadi iyo gabdho
walaalihi oo ka waaween uu aad ugu qaylinayo oo xataa hooyadii ay ka
cabsanayso oo ayan hadal ku soo celin karin! Waddamo aad nooga sii xun
ayaa jira. Anaga hooyooyinka ayaa naga fakaday.

Midda kale, waxaan qoraaladiina ka arkay inay dhalid iyo umulid kala
wanaagsanyihiin. Aniga waxay ila tahay inay ku xirantahay hadba dadka
erayga maqlaya. Anigu waligay umulid ma isticmaalin maqalkiisana ma
xusuusan karo markii iigu danbeysey meeshaan dhalid si joogto ah u
isticmaalo una maqlo. Laga yaabee umulid inay luqad kale kasoo jeedo
sida carabiga oo kale. Haddii uu qof igu yiraahdo ma heblaayaa ku
umushay waxaan isku dayi lahaa inaan luqadda u toosiyo. Laakiin haddii
uu qof igu yiraahdo heblaayo ayaa isbitaalka jirta oo way umushay waan
iska fahmi lahaa inkastoo jawaabtaydu ahaan leheed maxay dhashay.

Dek Dirie wrote:
>
> Mudane Mustafe: Marka hore salaan. Marka xigta, murti iyo madaddaalo
> farabadan baad nagu harqisay. Waxaan isleeyahay odagu barnaamijkii "Ila
> Tali Walaal" buu u baddalay "Googoos" ku shaqeeya Raadiyaha Wareega:)
> Kaftanka ka sokow, Mustafe, waxyaabo badan oo aad siibkaan ku sheegtay
> waan kugu raacsanahay, sida karaamada aad u hayso dhaqankeenna, iyo midda
> dhaqanku guud ahaan u hayo haweenka. Inta yar ee aynnu isku
> diiddanahayna, Iinsha Allaah, si un baynu isula meel dhigin, gaar ahaan
> haddaad u dhabbogasho dhowr meelood oo qodobkaan lagaga hadlay. Waxaana
> rajaynin in aad xujada iyo xaalkaba aad "ka noqo" dhihi doontid.
>
> Aad baan ula dhacay hab-qoraalkaaga. Hadda, kuma laaluushayo, ee waa
> xaqiiqa:)
>
> Nabadgelyo,
> Deeq Diiriye
>

Mustafe Jama

unread,
May 8, 1997, 3:00:00 AM5/8/97
to

Dek Dirie <dird...@humberc.on.ca> wrote:

> Mustafe Jama <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote:
>>
>>
>
>Mudane Mustafe: Marka hore salaan. Marka xigta, murti iyo madaddaalo
>farabadan baad nagu harqisay. Waxaan isleeyahay odagu barnaamijkii "Ila
>Tali Walaal" buu u baddalay "Googoos" ku shaqeeya Raadiyaha Wareega:)
>Kaftanka ka sokow, Mustafe, waxyaabo badan oo aad siibkaan ku sheegtay
>waan kugu raacsanahay, sida karaamada aad u hayso dhaqankeenna, iyo >midda dhaqanku guud ahaan u hayo haweenka.

Mudane Deeq: Sidoo kale salaan wacan. Ma Odayga, waxan kaa idhi, mise
xaalka iyo xujadda..
Odaygoow waxan kaa idhi, Awoowgaa dab lala dhacye oday ma'ihiye oday
haygu yeedhin, meesha waa ku kaftamaynaaye, haasaawaa hayga xidhin.


Xujaddii iyo xaalkii, labadiiba waan ka noqday, run ahaana maad
xujoobine, sheeko "hibasho" badani ay ka jirto, wax jira iyo wax aan
jirinba taas oo wakhti fara badani igaga lumay bal sidii aan dawo
bogsiisa ugu helilahaa, heeshii "nabarkii" aan dhayaye, halku dhegii aan
marada saarayey, ayaad Deeqoow maradii kala haw-tidhi, hadalkiina diir
kii baad ka qaaday, haad iyo habariba way ka dheregtay (( Talo far
ka haadkii, tusaale ahaan, Bal Foosiya Xassan taraaraxii aad u laaday
iyo sheekadii yaray eed ugga sheekaysay halkay toocinayso Faras_keedii
idhaa la'aa ka sitee ) Ogsoonoow dad iyo duunyo wixii ay Faskaa indhaala
jiidhsiiso adaa laguu soo doonanaaye ?? Deeqoow Orki fuushayaa iyo qabaal
miig ka dhigataaba, gashi baa kuu soo hoydey.

Hadal iyo dhamaantii, hawraar waxan ku soo koobay , muftiyoow, sowtii la
yidhi maaha, hadaan maammaahdii macneeyo , sow tii la yidhi maaha "Gabadh
umuliso ah iyo nin qaariya hadii wax la weydiiyo midna siduu wax
u ogyahay wax umma sheego..Deeqoow, runta waa la sheegaa hadana waa la
sheelaa.........amma garo amma hagaran waase guud mar waayeel.

>Inta yar ee aynnu isku diiddanahayna, Iinsha Allaah, si un baynu isula >meel dhigin, gaar ahaan haddaad u dhabbogasho dhowr meelood=


oo qodobkaan >lagaga hadlay. Waxaana rajaynin in aad xujada iyo xaalkaba aad "ka >noqo" dhihi doontid.

Inta yar ee aynu isku diidanahay wax weeye, adna waxad sheegaysaa runtii
oo qayaxan anna waxan ku leeyahay runta tii aan wax dawaynahayn lama
sheego. Sheekooyinka qaarkood ku talax tagood waxa dhaanta adigoo been ka
sheega.


>Aad baan ula dhacay hab-qoraalkaaga. Hadda, kuma laaluushayo, ee waa
>xaqiiqa:)

In aan adiga laaluusho ayey ahayd..

Nabad-gelyo
......
M.Jama

>isku guhaadinno haddii lagu isticmaalo goobaha lagu kulm=3D


>> o. Haddii >aynu gurdanraacno cambaarayntaas, miyaynaan jideynayn jiritaanka
>ceebta?
>>
>> >Su'aal aan togan lahaa ciddii isku dhejisa in isticmaalka eraygu yahay
>> >qadaf baa waxay tahay: Maxay erayada "haween, dumar, iyo bilis IWM" ay >ku

>nabadgaleen oo ay ku mutaysteen asluubta hadalka, oo faq=3D


>> uuqay erayga
>> >"naag" oo uu ku galabsaday haaraanka?
>>
>> Si kale hadaan u tilmaao, Way "dhashay" iyo way "umushay".....Labad
>> weedhood, waa isku macne..Hadana xagga maqalka-dhegaha u kala wanaagsan.
>> Sidoo kale...."Naahooy".....iyo "Innantaay".....Waa isku macne hadana
>> xagga maqalka dhegaha u kal fiican.
>>
>> Ka baxay.
>

>-------------------=3D=3D=3D=3D Posted via Deja News =3D=3D=3D=3D-----------------------

0 new messages