Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Tacsi fanaankii weynaa Ahmed Mooge Liban and others

77 views
Skip to first unread message

Jamal Hussein

unread,
Oct 13, 1996, 3:00:00 AM10/13/96
to

Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan
halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday
fanaankii weynaa ee aadka loo jeclaa Ahmed Mooge Liiban oo sida
igu maqaalo ah ku geeriyooday Siyelow oo ku taala Kenya. Waxaan
Ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo samir iyo
iimana inaga siiyo. Waxaa kale oo iyaguna tacsidaa mida la mida
mudan, laba nin oo aad loo yaqaano 1) Ahmed Ali Awale 2)
Mohamed Aamin oo iyaguna ku geeriyooday Hargeysa Ilaahay
janadii ha ka waraabiyo.


Yassin Hassan Abdullahi

unread,
Oct 13, 1996, 3:00:00 AM10/13/96
to


Illaaha weyn ee qafuura-raxiimka ahi Janadii udgooney ha ugu roonaado
Axmed Mooge Liibaan iyo wixii muuminiin ah ee hortii iyo dabadiiba
geeriyoodey. Illaah samir iyo iimaan haka siiyo eheladii uu ka
geeriyooday Ahmed Mooge. Sidoo kale Illaah ha u naxariis janada haka
waraabiyo Axmed Cali Cawaale iyo Maxamed Amiin. eheladoodiina Samir iyo
Iimaan haka siiyo.

Amaano Alla.

Yassin.

Mahad M. Abdi

unread,
Oct 13, 1996, 3:00:00 AM10/13/96
to

In article <32615A...@utkux.utcc.utk.edu> Yassin Hassan Abdullahi <ayha...@utkux.utcc.utk.edu> writes:
>From: Yassin Hassan Abdullahi <ayha...@utkux.utcc.utk.edu>
>Subject: Re: Tacsi fanaankii weynaa Ahmed Mooge Liban and others
>Date: Sun, 13 Oct 1996 17:08:25 -0400

>Amaano Alla.

>Yassin.

****************************
Anagana waxaan ilaahay uga rajaynaynaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo
eheledii uu ka tagayna samir iyo iimaan kasiiyo fanaanka wayn ee axmed mooge
liibaan.

thanks

Mahad

Wacays

unread,
Oct 14, 1996, 3:00:00 AM10/14/96
to

Allaha Jannada ka waraabiyo, fanaankaa weyn ee Axmed Mooge Liibaan iyo
Narxuumiinta kaleba, Dadkii ay ka geeriyoodayna iyo giddigeenba Alaha samir
iyo Iimaan naga siiyo. Amiin.

Wacays.
Salaama.

Yassin Hassan Abdullahi <ayha...@utkux.utcc.utk.edu> wrote in article
<32615A...@utkux.utcc.utk.edu>...
> Jamal Hussein wrote:


Abdiwali M Ahmed

unread,
Oct 14, 1996, 3:00:00 AM10/14/96
to

Jamal Hussein (jhus...@mba97.hbs.edu) writes:
> Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan
> halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday
> fanaankii weynaa ee aadka loo jeclaa Ahmed Mooge Liiban oo sida
> igu maqaalo ah ku geeriyooday Siyelow oo ku taala Kenya. Waxaan
> Ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo samir iyo
> iimana inaga siiyo. Waxaa kale oo iyaguna tacsidaa mida la mida
> mudan, laba nin oo aad loo yaqaano 1) Ahmed Ali Awale 2)
> Mohamed Aamin oo iyaguna ku geeriyooday Hargeysa Ilaahay
> janadii ha ka waraabiyo.
>


Eebe naxariistii janno ha ka waraabiyo Axmed Mooge iyo dadkan kale ee aad
halkan ku xustey. Axmed Mooge dad badan oo Soomaali ah baa aqoon u lahaa.

Naxariistii Eebe ku dheelmo. Dhankaa loo badan yahay waa loo soo wada socdaa.

QabiilDiid.
--
|Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|
| QabiilDiid: July'96 |

Abdullahi Abukar

unread,
Oct 15, 1996, 3:00:00 AM10/15/96
to

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo marxuum Axmed Mooge Liibaan.
Geeridiisu waxay nagu noqotay mid naxdin leh, waxaanan uga
tacsiyadaynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo
qaraabadii uu ka tegay. Samir iyo iimaan Ilaahay haynaga wada siiyo;
aamiin.

Nabaadiino,

Cabdullaahi Abuukar.
--
"Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxa ay ku xiran yihiin nabad..."


Amina Mire

unread,
Oct 16, 1996, 3:00:00 AM10/16/96
to

Inskata oo anan ahayn Axmed Mooge walaashiis, haddana waxaan u haystaa inaan
aqaan qofuu ahaa. Waxaan ku koray hesahiisii.
Waxaan Eebe uga rajynayaa inuu dembigiisa dhaafo dadkiisana sammir iyo
iimaan ka siiyo.
Waxaan filiya Axmed iyo Marxuunkii walalkiis ahaa oo ko horeyay
Muhammed in ay wadankeena wax wayn u soo qabteen.
Ilaahay dembigeena ha dhaafo Cadabtiina haynaga xoreeyo
Amina Mire


Jamal Hussein (jhus...@mba97.hbs.edu) wrote:
: Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan

Abdiqadir Ibrahim

unread,
Oct 17, 1996, 3:00:00 AM10/17/96
to

jhus...@mba97.hbs.edu (Jamal Hussein) writes:
: Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan
: halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday
: fanaankii weynaa ee aadka loo jeclaa Ahmed Mooge Liiban oo sida
: igu maqaalo ah ku geeriyooday Siyelow oo ku taala Kenya. Waxaan
: Ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo samir iyo
: iimana inaga siiyo. Waxaa kale oo iyaguna tacsidaa mida la mida
: mudan, laba nin oo aad loo yaqaano 1) Ahmed Ali Awale 2)
: Mohamed Aamin oo iyaguna ku geeriyooday Hargeysa Ilaahay
: janadii ha ka waraabiyo.
:


Geeridan Ahmed Mooge, si gaar ah ayaan uga jidhiidhicooday.
Sababtu ma ah, waa Ahmedoo waa Ina Mooge Liiban. Ninkii og baa oge, may
dheereeyn markii nin waalani uu habeen baas u soo galay reerkoodii oo
dhamaantood gurigii ku wada laayey. 6 qof oo ay ku jirto hooyadii, walaaladii
iyo ilmaadeeradii ayaa habeenkaas gurigaas ku wada dhintay. Ninka laayey
reerka kama uu dheereyn cid ahaan Ilma Mooge, in kastoo isna goobtii lagu dilay
markiiba. Ahmed Mooge waxaa uu joogey Adis Ababa oo uu u socdey London.
Markuu Ahmed maqlay in reerkoodii isagoo qudha ka soo hadhay aduunkan dushiisa,
walaashuu ku dhawaadey, wixii ka dambeeyeyna Ahmed Mooge is'bedel weyn baa
ku dhacay.

Fadlan Jamal, ma nooga dhici kartaa sidaad u maqash, waxa geeyey
Siyelow ama Kenya. Waan u qaadan la'ahay, waxaa intaas wadey ee xitaa
dhaafshey Nayroobi. Had'du maxay fogeeysey ?


"Maxamed, iyo Ahmed Mooge" ... Labadiiba tege ...
Geeridu nimaa'naad aqooniyo geel-jire ku hab-samaa.

--- Ebbe Ha U Naxriisto Labadoodaba iyo Labadan
nin ee kale ee Hargeysa ku geeriyoodey. ---

Abdiqadir
---------
ab...@adacel.com.au

Yussuf S. Ali

unread,
Oct 17, 1996, 3:00:00 AM10/17/96
to

Samir iyo iimaan Ilaahay Axmed Mooge ha kasiiyo ehelkiisii,
isagana Alla ha u naxariisto.

Nabad,

Yuusuf

MUHAMMED HUSSEIN

unread,
Oct 17, 1996, 3:00:00 AM10/17/96
to


One or both of the Mooges taught me in grade five. May allah rest their
sould in peace.

Udub.

Said Moh. Mohamed

unread,
Oct 18, 1996, 3:00:00 AM10/18/96
to

Eebe Naxariistii janno ha ka warrabiyo. Ehelkii iyo asxaabtii ay ka
geeryoodeena samir iyo iimaan Eebe ha ka siiyo.
Nabadgelyo
Saciid Suugaan

Ismahan Hussein Mohamed

unread,
Oct 22, 1996, 3:00:00 AM10/22/96
to

Jamal Hussein <jhus...@mba97.hbs.edu> wrote:

>Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan
>halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday
>fanaankii weynaa ee aadka loo jeclaa Ahmed Mooge Liiban oo sida
>igu maqaalo ah ku geeriyooday Siyelow oo ku taala Kenya. Waxaan
>Ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo samir iyo
>iimana inaga siiyo. Waxaa kale oo iyaguna tacsidaa mida la mida
>mudan, laba nin oo aad loo yaqaano 1) Ahmed Ali Awale 2)
>Mohamed Aamin oo iyaguna ku geeriyooday Hargeysa Ilaahay
>janadii ha ka waraabiyo.


Waxaan aqiiney Heesihiisa, marka waxaan ilaahey ugu baryayaa inuu
janadii ka waraabiyo oo dambigiisana cafiyo.Amiin.

waa
Ismahan.


medibr...@gmail.com

unread,
Dec 10, 2019, 9:39:28 PM12/10/19
to
On Sunday, 13 October 1996 09:00:00 UTC+2, Jamal Hussein wrote:
> Anigoo ah Jamal Ali Hussein iyo dhamaan qoyskaygu, waxaan
> halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday
> fanaankii weynaa ee aadka loo jeclaa Ahmed Mooge Liiban oo sida
> igu maqaalo ah ku geeriyooday Siyelow oo ku taala Kenya. Waxaan
> Ilaahay uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo samir iyo
> iimana inaga siiyo. Waxaa kale oo iyaguna tacsidaa mida la mida
> mudan, laba nin oo aad loo yaqaano 1) Ahmed Ali Awale 2)
> Mohamed Aamin oo iyaguna ku geeriyooday Hargeysa Ilaahay
> janadii ha ka waraabiyo.

Asc, walaal adiga miyaa qofka dhashay 1965 ee soo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga? Wikipedia aan ka arkay information kaa. Illahay ha unaxriisto Axmed iyo ehelkiisa ba. Waxaan jeclaan laha inaan ogaado inaad weli isticmaashid website kan intaaso sano kadib.

lasd...@gmail.com

unread,
Jun 17, 2020, 11:59:06 AM6/17/20
to
Ilaahay haw naxariisto waxay ahayd geeri naxdin leh hada oo dhimashadiisi laga jooGO mudo aad ubadana hadana waxan kuvxasuusan doonaa doorkii uu fanka somalida kaga jiray iyo halgankii wadankaba Abdi Abdilahi mbale uganda
0 new messages