qiso cajiib ah

323 views
Skip to first unread message

Mustafa Dhimbil

unread,
Dec 23, 2009, 3:44:18 AM12/23/09
to gab...@googlegroups.com
Raadraaca Siciid Kuul Oo Ah Jilib Ka Mid Ah Beesha Madhibaan Iyo Riwaayada Kuul Caro Ee Qarnigan Cusub Iyo Qarnigi Hore

Doha-23-December-2009(Gabooyenews)Waxa wax lala yaabo noqotay arin beryahan u noqday mawduuc ay isku mashquuliyeen warbaahinta qaarkood oo in badan wax ka qora taas oo ay kaga hadlayaan hadal haynta ku saabsan beel cusub oo u dhalatay habryoonis oo la yidhaahdo Kuulcaro horena loo odhan jiray siciid kuul kana mid ah beesha Madhibaan oo deegaan ahaan dega gobolka Sool iyo Puntland waxaadse mooda in aanay taariikhda dadkii qaarkii la socon iyada oo jilibkan Siciid kuul oo la yidhaahdo Maxamed bare oo ka mid ah beesha Madhibaan ay hore dhawr jeer isugu dayeen inay sameeyaan isku dayo kan oo kale ah 30 sano ee ugu dambaysay taas oo aan ka xusi karo wakhtigii dowladii Siyaad Bare ay isku dayeen inay ka mid noqdaan beesha Daarood siiba beesha Ogaadeen oo ay sheegteen jilibka la yidhaahdo Bahgeri oo Ogaadeen ah in mudo ahna uu ahaa arin socday.

laakiin aan marna shaqayn sababo badan oo aad fahmi kartaan awgeed isla markaana noqotay arin aad uga yaabiya cid kasta oo maqashay iyaga oo naf iyo maalba u huray inay noqdaan Ogaadeen isla markaana qaatay oo samaystay abtirsoono bahgeri ah oo gelaysa Ogaadeen iyada oo abtirsiintii berigaa ay ku tiraabi jireen ay taalo oo la hayo hase yeeshe nahaayadiisu noqotay wax aan macquul ahayn sababo u badnaa beesha ay doonayeen inay ku biiraan oo ah beel leh dhaqankeeda iyo abtirsiinkeeda iyo musalsalka odayaasha beeshaasi ku abtirsato oo ah wax xisaabsan oon lahayn meel marnaba laga geli karo ama laga qaldi karo oo si tartiibsan u habaysan oo beeshaasi ay cadaysan kun jeer in aanay jirin meel ay ka soo galaan haba yaraatee reerkaas Maxamed Bare ee Madhibaan.

waxa taas soo af jaray burburkii dowladii Somaaliya markaas oo ay adkaatay inay sii wadaan sheegashadii beesha Ogaadeen oo dega Ethiopia maadaama ay beesha Madhibaan degaan ku tahay gudaha Somaaliya inta badan isla markaana ay timid duruufo badan oo keenay in somaalidu ay isku dhex noolaan kari wayday oo qof waliba dib ugu noqday halkii deegaankiisu ahaa isla markaana ay dhacday in koonfurta somaaliya oo colaado badan oo ka dhacay ay ka jireen in lays ugaadhsado ay kaga dhinteen beeshan Siciid kuul ee Madhibaan dad badan oo looga dilay Ogaadeen ahaan iyaga oo ahaa dad sheegan jiray wakhtigaa Ogaadeen balse xaqiiqdu ay tahay dad ku dhintay waham ama wax aan waxba ka jirin iyo magac ama reer aanay ahayn intaas ayaana inoogu filan ayaan u malaynayaa faalada sheegashadii Ogaadeen ee hore

Waxa iyaduna u baahan in la xuso in goor dambe oo ah sagaashanaadkii ay beeshan Siciid kuul mar kale ku riyootay oo la soo kacday sheegashada beesha Dhul bahante oo ah beesha ay deegaan ahaan wada degaan arinkaasina waxa uu ahaa mid in mido ah socday isla markaana la hayo oo ay tahay wax qoran abtirsiintii ay markaasna la shir yimaadeen waxase iyadana ka dhigay mid aan waxba ka hirgelin asbaabo badan oo la fahmi karo oo ay ka mid tahay labadan beelood oo wada dega ama aqoon fiican isku leh iyo iyadoo beesha Dhul bahante ay gaashanka ku dhufatay in beeshan Madhibaan asal ahaan ka soo jeedo dhul bahante in mudo ah oo qiyaastii toban sano ka badan dabadeed oo sheegashadaa ah waxay noqotay inay beeshan Siciid kuul gacmo madhan kala timaado isku daygaasna

Aan u soo dego maanta iyo Siciid kuul waxa mar kale soo baxay sheekadan la hadalhayo ee Kuul caro oo lagu hindisay marqaan qaad iyo hawaawigii hore looga bartay iyada oo dadka waxaas la yimi ee meelahaas la taagani ama wadaa ay yihiin kuwii shalay Ogaadeenka sheeganay mudo ka dibna sheegtay Dhulbahante iminkana waxay noqdeen Habaryoonis waxa is bedbedalayana waa reerkii uun waa isagii waa Siciid kuul iminkana waxa ay rabaan inay jilaan Ruwaayad la yidhaahdo Siciid kuul oo noqday kuul caro

hadaba hadii aan si hufan u qeexo waxaan odhan lahaa kuwa qayilaada ku hindisaya ee kolba la imanaya sheekooyinka noocaan ah waa dad aan marna garanayn qiimaha iyo miisaanka ay leedahay waxan laga hadlaya ee ah asalka reer leeyahay halka uu ka soo jeedo waayo wax waliba waxay leeyihiin asuul ama ab aan cidna taaban karin ama ah lama taabtan Madhibaan iyo qabaailka kale ee somaaliyeedna waa reero soo jiray qarniyo oo taariikh leh tu xun iyo tu wanaagsanba oo aanay macquul ahayn in qof maanta dhashay uu bedelo oo sameeyo wax isaga maskaxdiisa ka keeno waxaanay halkan ka sheegi lahaa inay Siciid kuul ka mid ahaayeen daraawiishtii Sayidka oo xataa ay ku jiraan oo laga helayo magacyadii odayaal ka mid ah Siciid kuul gabayadii sayidka oo uu ku cadaynayo inay yihiin reerkaas madhibaan

Waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa beesha Habaryoonis inay si qoto dheer isaga hubiso oo xilkasnimo leh arinkan la hadal hayo oo fool xumo weyn ku ah beesha habaryoonis iyo weliba beesha Madhibaan oo muran gelinaya asalka iyo jinsiyada ama halka ay ka soo jeedaan beelo qarniyo soo jiray oo ah Habaryoonis iyo Madhibaan waxa kale oon u sheegi lahaa inay arinkani qayb ka yahay dhacdooyin noocaas oo kale ah oo hare u dhacay oo niman iska hindiseen aniga oo tacbiirtayda ku sheego lahaa dad aan lahayn saqaafad cilmi diineed iyo aqoon dhaqanka somaaliyeed ah ama ka madhan taariikhda somaalida guud ahaan iyo tan reerka Madhibaan ee laga hadlayo gaar ahaan

Waxa kale oo aan u sheegaya dadka ka hadlaya sheekadan noocaas ah in aanay adeegsan magaca Gabooye ama wax la mid ah waayo arinkani waxa uu ku eg yahay Siciid kuul oo ah jilib ka mid ah ama ardaa ka mid ah beesha Madhibaan iyada oo aanay hore iyo dambeba ugu dhicin beelaha kale ee Gabooye wax sheegasho ah oo ay ku sheeganayaan meel aan ahayn halka ay ka soo jeedaan iyada oo hadii lagu isticmaalo magaca Gabooye arinkan ay meel ka dhac ku noqon karto beelaha Gabooye.



Dr. Mustafa Ismael dhinbiil

Qoraaga:

hussein dualeh

unread,
Dec 23, 2009, 2:07:38 PM12/23/09
to mustafe dhimbiil, google
Waxaan salaamayaa dhammaan dadka E GROUPKANku wada jira ,salaan ka dib
waxaan filayaa in aan Egroupkan Loo samayn in cid ama reer ama shqsiyaad gaar ah wax loogu dhimO.,markaa waxaan jeclaan lahaa haddii ay jiraan shaqsiyaad si gaar ah raba inay arin isaga jawaaban ha wada xiriiraan Emailadooda khaladkoodana groupka ha kala fogaadaan'waana mamnuuc in qof ama qabiil halkan wax lagaga sheego,qofkana waxaa fiican inuu u fiirsado waxa uu qoraaayo.ugu dambayn waxaan Mustafe iyo mubaarak u soo jeedinaya inay hadalka halkaas ku joojiyaan,haddiii ay rabaan inay hadalka sii wadaan fadlan Egroupka waxba ha ku soo qorina ee gaar isula xiriir
 
Hussein Dualeh Dahir

Date: Wed, 23 Dec 2009 00:44:18 -0800
From: mustafa...@yahoo.com
Subject: gab...@googlegroups.com qiso cajiib ah
To: gab...@googlegroups.com
--
Asalaamu calaukum wr wb
salaan kadib:
Dhamaan Beesha Gaboye meelka oo ay aduunka ka joogta waan salaamay salaan kadib waxaan ku war galinayaa Gaboye meelkas oo uu aduunka ka joogo inuu is ticmaali karo emailgroupskan oo ah sidan gab...@googlegroups.com waad mahsantihiin dhamantiin

Hotmail: Trusted email with powerful SPAM protection. Sign up now.

hussein dualeh

unread,
Dec 23, 2009, 11:04:48 PM12/23/09
to mustafe dhimbiil, google
Mubaarak iyo Mustafe ,Mar labaad   ayaan idinka codsanayaa inaad ixtiraamtaan dadka webkani kulmiyo,waayo waxaa ka mid ah dad aan mudnayn inay arkaan waxaad soo qoraysanaan. waxaan uga digayaa dadka groupkani kulmiyo qaarkood inay isku dayaan inay arintan labadeena wiil dhex martay dab ku sii shidaan waxaana soo jeedinayaa in laga fogaado waxa sheekadani ka  bilaabantay in la sii wado taas oo ah in qof si bareer ah u farageliyo reer arimahood,tan kale gabooye waa dalad midaysa dadyaw badan sidaan la wada socono,mana jiro reer aan u dooranay inuu gabooyaha af hayeen u noqdo, markaa waa in qof walbi ku dedaalo difaaca daladaas isagoo cidna waxba dhimin.
 
waxaa ii muuqata shido ama dab ay wadaan cid aan gabooye ahayn oo guryaheena soo gashay fadlan waa in la ilaaliyo ehelnimada iyo wada dhalashada waana in la ilaaliyo midnimada gabooye.fadlan waxaan filayaa in arintani halkan ku istaagi doonto
  Hussein Dualeh Dahir

From: calo...@hotmail.com
To: mustafa...@yahoo.com; gab...@googlegroups.com
Subject: RE: gab...@googlegroups.com qiso cajiib ah
Date: Wed, 23 Dec 2009 11:07:38 -0800
Hotmail: Trusted email with Microsoft’s powerful SPAM protection. Sign up now.

Mustafa Dhimbil

unread,
Dec 24, 2009, 5:19:54 AM12/24/09
to gab...@googlegroups.com
 
ASC
 
waxaan la hadlaya Hussein Duale hadalkaagii sharafta badnaa waan arkay si qurux badana waad u hadashay waxaanan kuu sheegaya in sida aad u hadashay aan aad u qadarinayo isla markaana aanan jeclaysan yarkan aan adeerka u ahay sida uu iila hadlay oo uu miisaankii iyo xilkasnimadii labada iigala baxay tolkana waxaan ka codsanay inay ii dulqaatan hadii uu warqad dambe ku soo celiyo waan edbinayaa waxaanu filayna wuu arki
 
waanad ku mahadsan tahay
 
 


--- On Thu, 12/24/09, hussein dualeh <calo...@hotmail.com> wrote:
Reply all
Reply to author
Forward
0 new messages