Allaha u naxariisto
Makhtal Daahir wuxuu ahaa ninkii ugu Horreeyey ee asaasa
urur gobanimo doona ah ee geyigaa Galbeed .
Wuxuuna kasoo maray xadhig iyo dhibaatooyin kaleba.
wuxuu geed dheer geed gaabanba u korey xoraynta geyigaa
Nasiib darro isagoo ayan riyadiisii rumoobin ayuu geeriyoodey
{imikana uma muuqato}
Taariikhdu way xusi Makhtal daahir Geeridiisaa Dabadeed sidii loo
xusi jirey markuu noolaa.
Allaah ha u naxariisto Makhtal Daahir Eheladiisii meel ay joogaanna
allaah samir iyo iiman ha ka siiyo
Hawdow Magacaaga
soo hannaan raacoo
haybso calnkaaga
;;;;;;;;;;;;;Dhowr iyo lixdankii"""""""""""::::::::
Mohamed Foore
Abdirashid Aden wrote in message <7ek4ao$q
...@bertrand.ccs.carleton.ca>...
> Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ku geeriyoooday Allaha u naxariistee
>Garaad Makhtal Garaad Daahir. "Makhtal gadh-weyne" oo 106 sano jir ahaa.
>Makhtal waxa uu ku dhashay Guna-gado, oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee
>Ethiopia gumaysato(Ogaden). Mukhtal Daahir waxa uu ka soo qayb qaatay
>halgankii xorriyad doonka Soomaaliyeed. Oo gayiiysiiyey inuu noqdo nin ku
>caan baxay dagaalka dhuumaalaysiga ah. Magac weyna ku yeeshay dhammaan
>geyiga Soomaaliyeed.
> Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, iyo Eheladuu ka tegeyba waxaan u
>rajeeyey samir iyo iimaan. "Innaa Lilaahi wa innaa Illaahi raajicuun".
>Caydiid.