Ofleh, adigaa bilaabay halganka maahmaah ururiska.Baahida dad badan baase
kula qaba. 
Waxaa la yiri "Soomaali maryooley been way sheegta laakiin been ma maahmaahdo"
Ma run baa ma been? Aan eegno hadda.Dad baa yiri waxaa jira in ka badan 1000 
maahmaahood oo soomaali ah.Aan eegno hadda, farda laysugu joogo la isuguma 
faano!.
Waxaa hoos ku qoran illaa 120 maahmaah soomaaliyeed wax golahan laga 
ururiyey iyo qaar aan si kale lagu helay. Thanks to all those who gave them. 
Here comes the challenge: Can we break the 1000 mm record!!!!!!!! let us see.
bal aan eegno inay maahmaahyda soomaaliyeed gaari karaan 1000.Hadda waa jiho 
kasta oo soomaali ku nooshahay.Bari iyo Galbeed, Woqooyi iyo Koonfur. Bal 
hadda cid kastaay isku day inaad nala qaybsatid waxaad haysid. Waxaa hubaal 
ah inuu qof kasta oo naga mida qaddar maahmaahyo ah ha yaraadeen ama ha 
bateen. 
Ciddii haysa maahmaah aan u jirin kuwa hoos ku qoran hannala qaybsato.Haddii
ay kuwa hoos ku qoran khalad u qoran yihiin, fadlan noo sheeg sida saxda ah.
Gacmadheere, gacalka adigu Joker baad tahay dhinac kastan waad gashaa.bal 
odhaahyada Maay maayga noogu deeq macnohoodana noogu dar adigoo aan ceeb u 
arkin, ogow denbiga waxaa iska leh dawladdii farta na gelisay oo afsoomaaligii
Gaalkacayo uun na bartaye.Iminka ayaan diyaar u nahay inaan baranno nooc kasta
oo afsoomaali ah meel kasta oo lagaga hadlo. Jinni ninkii keenaa bixiya, GDH
waa adigee kuwa hoos ku qoran oo calaamaddu su´aasu saaran tahay furfur oo 
macnay.
Xusuus: There are no limits, maahmaahuhu wax kasta way ku saabsanaan karaan.
marba haddii ay macna leeyihiin oo maahmaah ahaan meel uun soomaaliya ka mid ah
laga isticmaalo.
Wayna kaa haddaba: Daawanaayow waa dalkaagii:
_______________________________________________________________________________
1.God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
2.Gadal gadaal geed looma koro
3.Bidaari sibiq bay kugu gashaa
4.Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
5.Dani waa seeto
6.Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha
7.Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
8.Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto
9.Sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan
10.Xarrago dumar xanuun ma leh
11.Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
12.Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
13.Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay
14.Intaadan falin ka fiirso
15.Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
16.Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
17.Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
18.Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
19.Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
20.Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
21.Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan
22.Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
23.Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
24.Kibir waa lagu kufaa
25.Nin is faanshey wa ri´is nuugtay
26.beeni raad ma leh
27.Daacadi ma hungowdo
28.Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
29.Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
30.Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
31.Nin daad qaaday xunbo cuskey
32.Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
33.Ayax teg eedna reeb
34.Nin kuu digay kuma dilin
35.Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
36.Gaal dil gartiisana sii
37.Af wax cunay xishoo
38.Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
39.Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa
40.Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
41.Reer ba'ow yaa ku leh!
42.Far iyo meel bugtaa is og.
43.Far keliya Fool ma dhaqdo.
44.Far bugtaa, Faro ka dheer.
               
45.Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
               
46.Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga hormartaa.
               
47.Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
               
48.Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
               
49.Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
     
50.Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
51.Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
52.Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (koonfur)
53.Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)
54.Laba qaawan isma qaaddo
55.Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
56.Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
57.Nimaad dhashay kuma dhalin
58.Sir naagood lagama sal gaaro
59.Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
               
60.Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa
61.Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo???? 
              
62.Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
               
63.Dammeeraley Dad la xeer maaha.
64.Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
65.Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
66.Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
67.Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
68.Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa.
          
69.Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
               
70.La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
               
71.Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
72.Gees lo'aad Kuleylkaa lagu gooyaa.
73.Ma sugto, Meher ma leh.
               
74.Af Daboolan, Dahab waaye.
               
75.Jinni, Ninkii keenaa bixiya.
76.Nin weyni wedkii waa yaqaan
77.Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa
78.Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
79.Rag waa shaah dumarna waa sheeko
80.Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco
81.Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
82.Dumar yaryaraysi male
83.Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
84.Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
85.Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
86.Bilaysini Bir ka adag
87.Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan"
88.Barasho horteed ha i nicin
89.Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
90.Doqoneey dabkaa ba´
91.Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa
92.Lama huraan waa cawska jiilaal
93.Nin duulay dantii kaa og
94.Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre??
95.Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee??
96.Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro?????
97.Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican
   baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
98.Aduun wey ki amoodeey ugaaw???
99.Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)????
100.Mugdi, arlaada geed ii goduh???
101.Hamba soor ma eh
102.Heeraa wan ma eh??
103.Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy?
104.Daleel marow maradiis geed ma daarow
105.Mas ii dooro daris ma nagadi koraan?
106.Madheyti ii Moora gaabey lan maal qaboo dagee?
107.Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
108.Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
109.Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
110. Fardo la isugu joogo la isuguma faano
111. Hadal haan ma buuxso
112. qof ani yiri dad iska saar
113. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid
114. Haddii fooli timaado, guda-qarsi dhammaa
115. Wax madaxa kuugu jiraey ayuu afku kaa xadaa
116. Waxaa isugu dhow carrab iyo laba daan, iyana way is qaniinaan
117. Naariba naarta kale ayey ka cawdsataa
118. Warjiraa Cakaaruu iman
119. Qof kastaa wuxuu qabo qardhuu la iman doonaa
120. Qof kasta qummanihiisaa qoorta ugu jira
121. Ijiid aan ku jiido waa jeenyo daalis
122. Hubsiimo kalbaa la siist
123. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax 
     yeelaan
...
...
...
...
Halkaa kala raac adiguna:
Ugu danbeyntii waxaan codsanaynnaa ciddii xasuusata odhaahdan afarrayda ah
inay noo dhammaystirto. Waxay ku jirtay sheekadii aqoon darro waa u nacab 
jacayl, waxaana yiri sidaan filayo nin layiraando Ciise M Cali:
Waa tan:
"Afar waa mugdi, afarna wa u maradhaamo, afarbaa ka macaan, afar baa ka 
muhiimsan.
Dagaal waa mugdi, maslaxo waa u maradhaamo, heshiis baa ka macaan, nabad baa ka
muhiimsan.
Ma saxbaa sida kor ku qoran? Maxayse ahaayeen afartii kale?
Siciid Suugaan? Weylac iyo Culimadii suugaanta idin mee??
-- 
AA HAYBE
124  Dhego adakaa dameerku, ma Caydiidbaa. 
125  Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa.
126  Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon.
127  Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa.
128  Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
129  Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena      
        waa sino ballaaran yahay. 
130  Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
131  Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
132  Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay 
        barataa.
133  Dumar beenna waa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu
        dhaqaa.
134  Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
135  Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
136  Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay.
137  Raad arrooryo dib looma raaco.
138  Runi rag kama nixiso 
139  Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
140  Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
141  Saddex looma adkeysto:  Gaajo guri og, gardarro garab og, 
       iyo cudur geeri og.
142  Saddex lama raaco:  Ma horreeye, ma hambeeye, iyo            
       ma haasawshe.
143  Saddex lama arag:  Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, 
144  Shisheeye sheela duxa ma leh.
145  Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
146  Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan
147  Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo 
148  Libaax deeqi ka gurxamisay 
149  Adduun i khatal.
150  Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
151  Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
152  Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
153  Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
154  Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
155  Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
156  Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
157  Bartii yaqaan, bari uma korodho.
158  Nin kaa dheer wax looma tilmaamo.
159  Wax aqoon wax looma sheego.
160  Ninba gurigii gaado ku leh
161  Mukulaal mininkeed jootgaa miciyo libaax bay leedahay
162  Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
163  Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax  
       aqoonna qaanso qurqurkeed.
164  Dadqal looma gurguurto.
165  Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma   
       geyso
166  Shir looma wada uunsiyo
167  Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
168  Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
169  Gobanimo waa joome.
170  Xadhko geel ma wada xidhaan.
171  Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana      
     Aadmibaa arka.
172  Gari laba nin kama wada qosliso.
173  Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
174  Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
175  Safar waa si wada yeel.
176  Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko.(bal garo)
177  Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
178  Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha.
179  Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma       
       dhinto.
180  Kal caano galeen, xirgi ma gelin (sorry ladies).
181  Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo.
182  Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
183  Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
184  Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
185  Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu          
       bakhtidaa
186  Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon
       hal lahayn.
187  Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
188  Isu qabe aan loo qabin.
189  Isla weyn, dooro weyn.
190  Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
191  Tol la'aani waa tows.
192  Gabadhi waa meel xun joog.
193  Waari mayside war hakaa hadho.
194  Calool adayg waa Alle wehelkiis.
195  Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu       
       yaabaa.
196  Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
197  Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey.
198  Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
199  Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
200  Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
201  Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
202  Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
203  Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
204  Samraa, sammo hela.
205  Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
206  Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. :)
207  Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa.
208  Been fakatay runi ma gaadho.
209  Beeni raad ma leh.
210  Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
211  Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
213  Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
214  Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
215  Dhagar qabe dhulkaw dhaqdhaqaaqa.
216  Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
217  Caano Jiilaal canba canbid. :)
218  Biyo meel godan bay isugu tagaan.
219  Nimaan dhul marin dhaayo la'.
220  Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
221  Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
222  Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
223  Tuhun waa sed.
224  Sagaaro laba tun oo la kala qaado ma leh.
225  Sagaaro inteeda waa ku duq.
226  Qosol hiil leh.
227  Midiidin la'aan waa la midgoobaa.
228  Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
229  Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
240  Gardarro looma garbo yeelo.
241  Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.  
242  Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena iyadaa kala naxda.
243  Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
244  Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
245  Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
246  Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
247  Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
248  Xog mooge xaajo waa dilaa.
249  Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
250  Adhi magantii ma barriiyo.
251  Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
252  Hangaraarac lug uma dhutiyo.
253  Hal libaax arkaysaa ma godlato.
254  Nin xil qaaday eed qaad.
255  Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
256  Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
257  Carraabo, fadhaa quusiyey
258  Loogow (qal ama magac nin) laguu minan fadhiyee.
259  Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
260  Hadal yar iyo hawl badan.
261  Af-ka nool abooto mudac.
262  Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
263  Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
264  Qosol qoonsimaad noqay.
265  Harag sagaaro iiga kac mooyiye iga durug ma leh. 
267  Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay.
268  Rag jidiin baa walaaleeya.
269  Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
270  Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon   
        jilicsan.
271  Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
272  Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
273  Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
274  Dibi, bay waw dhutiyaa.
275  Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
276  Naagi nimay legdaan, kama kacaan.  
277  Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
278  Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
279  Ninba kaskiisuu kor tagaa.
--------
Hirad
: 131 Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.
: --------
: Hirad
--
AA HAYBE
I am getting the feeling that we can easily reach the 1000-record within 
shorter time than expected.
Intanna bal kusii dar:
280. Gardarraa ma guulaysto
281. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
282. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
283. Gari laba nin kama wada qosliso
284. Gari ilaahay bay taqaan
285. Arrin xumo abaar ka daran
286. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
287. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
288. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
289. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
290. Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
291. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
292. Wadaad jiilaal injir lagama qabto
293. Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay
294. Wadar iyo waaxid yaa waalan
295. Naxariis eebbe lagama quusto
296. Alla aamin ma iisho
297. Doqoni calaf ma leh
298. Doqon nebi Muusaa habaaray
299. Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
300. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
301. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
302. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
304. Carruurey cayntaa baīday
305. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
306. Nin sigtay ma nabad gelin
307. Wadaad waa nin
308. Naf wax jecel allaa dhibay
309. Biya sar tegey waa la sugayaa
310. Nin la sugayoow adna yaad sugin
311. Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
312. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
313. Nin aan hadlin habartiisba qadisay
314. Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo
315. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
316. Dani waa seeto
317. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
318. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
319. Hadal intaadan buu ammaan yahay
320. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
321. Abuur iyo waano abuur baa horreysey
322. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
323. Nimaan dhididin ma dhergo
324. Habar fadhida legdini wax uga fudud
325. Habar caalweydey aleelo ku waalatay
326. Habar caal weydey durey bay hafartaa
327. Nacasnimo ninkeedii dishey
328. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
329. Maantana far baa maydh laīeey hay fadhiyo geeli
330. Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho
331. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
332. Dhedo roob noqon weydey
333. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
334. Miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadsho..
335. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
 
336. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
337. Wax aad baratay waa baaskaa
Waynakaa haddaba..So far so good!
Calling for more gurmad here.
AA HAYBE..The Xubeer of Calmadow
Sidii habar yaroo tobon jiroo naasku dhagaxoobay
Oo daasad wadatoo xarrago dhan isu tuuraysa
Illeyn quruxdeedu waa nal iyo booc tubaako ah.
Oh!  My bust, we were in proverbs not in Dhoodan which will be coming
soon:
Here we go again! and I will dig out some more.
338. Laf jabtay sideedii ma noqoto.
339. Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa.
340. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
341. Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa
341. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
342.	Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo:  Ilaahow guursan
     	maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo
    	Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
343.	Saddex markaan bartaan ka gaboobay:  Dab ollolintiis,
     	carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
344. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
345. Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,) yaraa.
346.	Saddex baa la yidhi:  Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin;
     	afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
347. Naago waa u samir ama ka simir.
348. Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
349. Naago waa belo loo baahan yahay.
350. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
351. Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu arkaa.
352. Nin kuu digay kuma dilin.
353. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
354. Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
356. Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
357. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa
358. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
359. Shubaali waa biyo la bax.
360. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
361.	Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise 
             wax naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican.  (Car garo).
362. Geel carruuri qaaday ma foga.
363. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
364. Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa.
365. Ciyi waa ka beryey.
366. Hilib beer laga dooray waa weyd.
367. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
368. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
369. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
370. Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
372. Dan layskuma naco.
373. Dan iyo xarrago is weyday.
375. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
376. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
377. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.
378.       Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma
              gaadhid.
379. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
380. Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.
381. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
382. Colka wadhaf ma lagu dayey.
383. Canbe laf baa ku jirta.
--------
Abdighani H. H. Hirad
384. Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa
385. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
386. Shan shidda ma macaysaa.
387. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
388. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
389. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.
390. Gurbaan gerabkaa ha kuugu jiro, ama gacalkaa hakuu haayo.
391. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
392. Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
393. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
394.	Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad        
      dhurtaa.
395. Habeen ciidan maaha
396. Cidlo ciirsi m leh.
397. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
398. Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa.
399.	Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga          
    dhirindhiriyaa.
400.	Saddex:  Warsangeli ninkay xamanayaan dila, Majeerteen ninkay ku  
                urursanyahay dila, Dhulbahantana ugu tegi maysaan.
401. Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu yahayse ma yaqaan.
402. Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay.
403. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa.
404. Dawaco geel ma cunto.
405. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
406. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
407. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
408. Dhulbahante waa dhoohan yahay.
409. Deero waa dal madays.
410. Sagaaro, mindhaa ima barato.
411.	Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays
              sheegaa.
412. Futo iyo dhul isma huraan.
413. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
414. War la helaaba, talo helaa
415. Reer, naagbaa kaa raacda.
416. Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
417. Doqoniino waa shil.
418. Fule hooyadii ma goblanto.
419. Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso midna maleh.
420. Gorgor, haadda ka weyn. (car garo)
421. Dameeri dhaan raacday.
422. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
423. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
424. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
425.	Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan  
             shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
426. Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
427. Fule wax ka qoryo badan.
428. Geesi, Alle ma xidho.
429. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
430. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
431. Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw cayaayir.
431. Dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyo.
432. Heesta geelu waa kala horreysaa.
433. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
434. Haani guntay ka tolantaa.
435. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
436. Biyo sacabadaa lagaga dhergaa.
437. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
438. Nin jiifa lama legdo.
439. Ul jiiftaa ma jabto.
440. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
441. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
442. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
443. Hawli jid caddeysay.
444. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
445. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
446. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
447. Tuug lama xado.
448. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
449.	Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:	Faraska xun, naagta xun,
iyo               hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
450. Fardaha dheereeyaa pooloogay isku arkaan.
451. Fardo laysu hayo, lays kuma faansho.
452. In habari gasho, hali ma qaado.
452.        Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u
              ogyihiin uma  sheegaan.
453. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
454. Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
455. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
--------
Hirad
"Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa" ma'aha maah-maahdu.
Maah-maahda saxda ahi waa: *Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
Mida kale, ma hubtaa inay *Dhulbahante waa dhoohan yahay* ay
maah-maah jirta tahay ? I think it lacks any qualifying
philosophical foundation. 
-- 
=Mustafa=				          
391. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
395. Habeen ciidan maaha
405. Sabool siil ma leh!
417. Doqoniino waa shil.
421. Dameeri dhaan raacday.
443. Hawli jid caddeysay.
447. Tuug lama xado.
452.	Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyn, midna siday wax u     
                   ogyihiin uma sheegaan.
453. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
454. Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
455. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
456. Nin fadhiya, looma saro joogsado.
457. Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
458. Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
459. Meelaad ku dhashay, waa meelaad ku dhimatay.
460. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
461. Libaax lab god lagama kiciyo.
462. Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
463. Daarood, marbuu qabasho lahaa: markuu nin keliya ahaa.
464. Nafeey, nin ku doona ku waa.
465.	Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo
jiif-jiif aakhiro                   midna looma soo rogin.
466. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
467. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
468. Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
469. Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
470. Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
471. Nin sigtay ma nabad gelin.
472. Nin sigtay ma noola.
473.	Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa    
                  xun.
474. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
475. Seedi waa beer
476. Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku ceebayn.
Waa socdaan....
--
AHHH
you  Wanna somali proverbs!   here are some more brand
new ones..............I mean not the old camel herders proverbs..
1	faanoole fari kama qodna 
2	Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma 
	Dhaafeeyso......
3 	Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan
4	Alle watow wehel uma baahna
Stay tuned more to come............
P.S 	 Hey  just remembered "Dooro" I mean  Digaagad( Hen) not what some
	 of you my call it......... :(
barre
Waad mahadsantahay.
jama
>Xusuus: There are no limits, maahmaahuhu wax kasta way ku saabsanaan karaan.
>marba haddii ay macna leeyihiin oo maahmaah ahaan meel uun soomaaliya ka mid ah
>laga isticmaalo.
>Wayna kaa haddaba: Daawanaayow waa dalkaagii:
>_______________________________________________________________________________
>AA HAYBE
***************nabad iyo caano walaal *************
                    
       Awga Reer Xubeera, maahmaah nooc kasta ah  diyaar ma loo yahay.
Haybow  kuwa noqon kara hal ku dhega,odhaahda,maahmaahda  arag. annigu
ma odhan, Soomaali baa tidhi.
naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
naago ba'ooda ayey ka sheekeeyaan, ragna badhaadhohood
naago yaryarasi ma le
naagi ninkay legedo kama kacdo
naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma laha
Naag la furay fadhi uma yaal
Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
Naagi naag lala qabo waa u col
Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
Nin waa inta naaga ka hadha
Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
naago beena waa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaa
Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur
Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
Soomaalidu waxay tidhaahdaa:
naag ogaadeen waa naag
naag Majeerteen waa nacas
naag Dhulbahante waa naar
naag Warsangeli  waa naf
Warsangeli wax noolba cun oo awrkii cirkana cid u diray
Majeerteenku wuxuu naagaha ugu tagaa naag danbe arki maysid,
Warsangeliguna wuxuu cuntada u cunaa cunta  danbe arki maysid
Naag Ogaadeen waa sac oo barwaaqaday ku fiican tahay
naag  Majeerteen waa  qaalin geel ah  oo waa soo meecaadaa oo ka soo
raysaa
naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka soo darid midna ma le
                       khasnada qabiilka ee gabayada iyo maahmaahyaha
weligay gal isma lahayn. laakiin waa kaftan iyo sheeka soomaali. dadna
hadal laguma xukuma karo. Qaruuni in ay isku mid noqoto dhaaf e
,labadii wada dhashaa kala duwan. Markaa hadaladani waa kaftan waayeel
ee  si kale loo qaadan.
Nabadgelyo
Saciid suugaan, UMS
Waad mahadsantahay haybe aruuri bahallada.
Maahmaahda ugu danbayso waxaan u maqlay "seedigaa ha collaysan", ta kale
maahmaah horay loo laba goor loo soo qoray baa waxa la yidhi
Xornimo adigaa ku noole iyada kuguma noola, anogu "Talo" ayaan u maqlay oo
waxaan u malayn "xornimo" qolyaaa ku daray.
Khaliif waylac.
                                       
>
>--
>
>AHHH
Qaar baan soo celcelinayaaye iska dhowr.
477. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
478. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
479. Tabcadaa ma tuugoobo.
480. tuug la qabtay talo ma laha.
481. Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan.
482. Nin aan dhididin ma dhargo.
483. Toddobada cadaabood iyo talo qoodha-casaa la simay.
484. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
485. Af hadlaaba aamus.
486. inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
487. Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
488. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
489. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.
490. Badhi mag ma laha.
491. Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada
     gaadho.
492. Dhiig islaan ma qarsoomo.
493. Wax rag kaa galay rako kaa gale.
494. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
495. War jiraaba cakaaruu iman.
496. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
497. Nin ani yidhi dad iska sooc.
498. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha.
499. Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
500. Yaraan waa ciil laga koray.
501. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
502. Macallin xagaa injir lagama qabto.
503. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
504. Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan.
505. Waa qaan marreexaan waa qaaxo kugu maqan.
505. Faras uu reer isaaq nacay iyo naag uu reer cabdille nacay midna abdo ma
     le.
507. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
508. Kuuryaan iyo kun xabbadood iyo konton jir ha la ogaado.
509. Toban jir ogaadeen waa llom taliyaan.
600. Beer wax dhalow ba'
waa sodaa.....
Jama:
Adaa mudan!
------
Hirad
: qaar badan, laakiin saxiib aan kuyara su'aalee maqaar cusub baa soobiirey?
: sida: "Dhago adakaa Dameerku ma Ceydiidbaa". Miyaad ilaawdey balantii 
  saaxiibka Heybe (Soomaalidu been waa sheegtaa laakiin been ma mahmaahdo), 
  Hadday tahay
Dear Makhtal
Marka hore walaalkiis aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay maahmaahyada iyo 
weliba sida fiican oo aad macnahooda usoo raacisay. waa intii aan Gcma dheere
ka weyney uuna nagu ciqaabay denbigii Siyad Barre oo afafka qaarkood ka galay.
Gacmo wuxuu nagu yiri. idinkay idin jirtaa sidaad ku fahmi lahaydeen 
maahmaahyadaas aan soo qoray ama dhagax garaaca ama dhoobeey iska xaadiriya.
waa su'aale "Gadaal gadaal geed ma loo koraa?"
Maahmaahdan cusub "Dameerku dhega adagaa, ma Caydiidbaa" waxaan u arkaa mid
cusub oo Hirad kusoo kordhiyey arliga. kadib markuu Caydiid Garaad (waa 
madaxweynaha sharafta leh oo soomaaliyede!!..Anigu ma oran qaar kalaa yiri!) 
uu kusoo yara buca-buceeyey Hirad 1992 dii markuu u shaqo tegey Xamar isagoo 
la socda ciidammadii Maraykanka. Annagay noo taal, waa dadka soomaaliyeede 
haddii aan Hirad ka gadan lahayn maahmaahdaas cusub. 
Makhtal, Adigu waad ku mahasdan tahay qaybtaada
Nabad iyo caano